Saturday, December 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Koonfur galbeed oo ka hadlay howlgallo ka dhanka ah Al-Shabaab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose oo howlgallo laga sameeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Koonfur-Galbeed Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo deeganno ka tirsan maamulkaasi laga qabsaday maleeshiyada kooxda Shabaab iyo dhaqan celin loo soo sameynayo maleeshiyad kooxdaasi horey uga goostay.

Wasiirka hub  ka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka ee Maamulka Koonfur galbeed Xasan Xuseen oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay inay meel wanaagsan mareyso howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab ee ay ciidamada ka wadaan deegaanno ka tirsan Gobollada  Baay iyo Bakool, isagoo intaa ku daray in howlgallada la joogteyn doono, ayna cidamada kula wareegeen deegaanka Goof Gaduud.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025

“Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay la wareegeen deegaanka Goof Gaduud iyo deegaanno kale, halkaasi oo uu tilmaamay in laga sifeeyay haraadiga maleeshiyada Al-Shabaab” ayuu yiri Xasan.

Wasiirka Hub-ka dhigista iyo maleeshiyaadka ee maamulka Koonfur galbeed ayaa xusay in toban degmo oo ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool ay ka fureen xarumo lagu dhaqan celiyo maleeshiyaadkii ka soo goostay Al-Shabaab, isagoo markale baaq u diray dhallinyarada ay qaldeen inay isku soo dhiibaan gacanta ciidamada xoogga dalka.

 

 

Previous Post

Kulan lagu heshiisiinayo beelo dagaallamay oo ka furmay Jowhar “SAWIRRO”

Next Post

Baarlamaanka oo warbixinno ka dhageysan doono guddiyada difaaca iyo Maaliyadda

Next Post
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda

Baarlamaanka oo warbixinno ka dhageysan doono guddiyada difaaca iyo Maaliyadda

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(QAAHIRA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah soo gaaray Magaalada Qaahira...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(Addis-Ababa):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo hal maalin ku tagay magaalada Addis Ababa...

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In