Tuesday, August 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada oo kulankoodii joogtada ahaa kaga hadlay qodobo kale duwan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 27, 2015
in Wararka
0
Golaha Wasiirada oo kulankoodii joogtada ahaa kaga hadlay qodobo kale duwan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, August 27.2015——Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin xaaladda Amniga, warbixin guddiyadii loo xil saaray baaritaanka qodobada lagu xusay mooshinka madaxweynaha iyo soo jeedin qorshe qaran oo ka dhan ah Gudniinka Fircooniga ah ee lagula koco dumarka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhegeystay guddiyadii loo xil saaray arrinta mooshinka, waxayna xubnaha goluhu isla garteen in la helo xal siyaasadeed oo waara, iyadoo la eegayo geeddi socodka nabadda iyo danta guud.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare Drs Qadar Bashiir Cali ayaa golaha warbixin dheer ka siisay safar ay ku tagtay dalka Masar halkaasoo ay heshiis horumarinta waxbarashada ah kula soo saxiixatay dhiggeeda dalka Masar, waxayna Wasiiradu sheegtay in dowladda Masar ay ballan qaaday in 200 oo arday ay siin doonto waxbarasho lacag la’aan ah, ayna sidoo kale u tababari doonaan 40 macalin.

Sidoo kale, Drs. Khadar ayaa xustay in dowladda Masar ay ka codsatay in lagu wareejiyo Iskoolka 15-ka May iyo iskoolka Sheekh Xasan Barsame, iyaga oo balan qaaday inay ku sameynayaan dayactir heer sare ah islamarkaana ay ardayda Soomaaliyeed wax ugu bari doonaan si lacag la’aan ah.

Sidoo kale, Wasiirka haweenka iyo horumarinta xaquuqul insaanka Sahro Cali Samatar ayaa golaha u soo gudbisay hindise qaran oo ku aadan sidii loo baabi’in lahaa gudniinka fircooniga ah ee lagula koco gabadhaha, kaasoo aanan ku banaaneyn diinta islaamka, dhibaatooyin fara badana u geysta gabadhaha Soomaaliyeed.

Dood dheer iyo falan qeyn kadib, golaha Wasiirada ayaa go’aamiyay in la helo qorshe qaran oo laga dhaqan geliyo dalka oo dhan, kaasoo lagu baabi’inayo gudniinka fircooniga ah.

—DHAMMAAD—

1 4 unnamed

Previous Post

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Ee Gobolka Hiiraan Oo Xukuno Kale Duwan Riday

Next Post

Daawo Sawirada:-Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Tababar Loogu Soo xiray Muqdisho

Next Post
Daawo Sawirada:-Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Tababar Loogu Soo xiray Muqdisho

Daawo Sawirada:-Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Tababar Loogu Soo xiray Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb gali...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda kulan kula qaatay Masuuliyiin...

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

August 25, 2025
0

Iyadoo la tixgelinayo muhiimadda midnimada Qaran, xasilloonida siyaasadeed iyo dowlad-wanaagga loo dhan yahay, isla markaana mudnaanta la siinayo geedisocodka dowlad-dhiska...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

August 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta SoDMA, lacag dhan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In