Ciyaartoyda Xulka qaranka ciyaaraha fudud ayaa maanta ka Ambabaxay garoonka diyaaradaha Aaden Caddeย iyaoo kusii jeeda dalka Congo oo ay uga qeyb galayaan ciyaaraha All African Games 2015, waxaana wafdiga hoggaaminaya wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinayarda iyo isboortiag Cusmaan Aadan Dhuubow.
Guddiga Olombikada Soomaaliyeedย ayaa Ciyaartoydan xereeyayย bishii January ee sandkan waxayna tabbar qaadanayen sideeddii bil ee lasoo dhaafay.
Ciyaartoyda ayaa kala ah Axmed Xuseen oo u tartamaa 800 iyo 1500 mtr ย Cali Iidow 5000 iyo Maryan Nuux ooย u tartamaysaย 800.
Ka hor Inta aysan amaba bixin waxaa xarunta Gos ciyaartoyda kula hadlay guddoomiyaha Gos Cabdullahi Axmed Tarabi,waxuuna u shegay in laga doonayo dadaal iyo karti ย dheeri .ciyaaro wanaagsana ay soo bandhigaan.
” Ujedka Gos ย waa ย sidii lagu heli lahaa ย ciyaartoy da’yar tayadiisuna ay wanaagsan tahayย ,” ayuu guoomiy Taraiย yiri.
Cali Iidoow oo 5000 mtr ku tartamaya ayaa ahย daโyar ay ย Gos kasoo xushay tartanka dugsiyada 2014 waana qayb ka mid ah dadaalada ay Gos ku doonayso in ay kusoo saarto ciyaartoy mustqbal leh.
Ciyaartoyda Xulka qarankaย Ciyaaraha Fudud ayaa ka qeyb gali doonaย Ciyaaraha All African game sooย 4 September ka bilaaban doonaย Brazzaville ee Dalka Congo.




Sawir Qaade: Xuseen Maxamed Hadaafow