Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye “Xukuumadda waxaa ka go’an inay dhiirigeliso qoroyaasha afka Soomaaliga”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiir Maareeye: “3-da May awgeed waxaan hambalyo u dirayaa bahda saxaafadda Soomaaliyeed”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka, Wasiirka Waxbarashada,  Xildhibaanno, Guddoomiyaha Ururka Haweenka, Qaranka iyo qurba joog ayaa ka qeybgalay casho sharaf xalay loo sameeyay  qoraaga Maxamed Sheekh Xasan oo bandhigii Buugaagta kaga qeybgalay magaalada Muqdisho.

Kooxda Waabari ayaa daahfurka xafladda ku soo bandhigay suugaan ka turjumeysa wadaniyadda iyo kuwa lagu soo dhaweynayo qoraaga Soomaaliyeed.

Related posts

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa sheegtay in mecno weyn ay sameeneyso in qoraaga wixii uu bartay uu kula soo noqdo Dalka, isla markaana uu qoro buugaag badan oo dalka ka hadlaya.

“Runtii waxa ay mudnaayeen munaasabad midaan ka weyn waayo kaligooda waxa ay sideen inay wadanka kula soo noqdaan, waa mid bogaadin mudan, nabadda isbadalka Dalka ayaa keenay soo dhaweyntiina”ayay tiri Batuulo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo soo agaasimay barnaamijkaan ayaa sheegay in Maxamed Sheekh uu kaalin ka qaatay in aysan lumin taariikhda Soomaaliya, isla markaana uu mudanyahay in lagu deysado.

“Maxamed iyo Marwadiisa, waxa ay door muuqda ka qaateen inay uruurriyaan tariikhda iyo Afka Soomaaliga ah, taasi oo gacan ka geystay in uusan luminka Afka, runtii soo dhaweyn ayey mudan yihiin”ayuu yiri Xildhibaan Xoosh.

Qoraaga Maxamed Sheekh Xassan ayaa kula taliyay Dowladda inay yeelato siyaasad lagu horumarinayo dhaqanka oo ay u istaagto in la sameeyo sharci lagu dhaqayo siyaasadda.

“Dowladda waa  in iyada oo aan gacan kale ku tashan ay yeelato siyaasad ay ku horumariso dhaqanka ayna dib usoo celisaa Xarumihii Dhaqanka”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa ugu baaqay qurba-joogta kale in si la mid ah Qoraaga ay maskaxdooda iyo dhaqaalahooda u galiyaan wax u qabashada bulshada Soomaaliyeed.

“Inkastoo Dowladda aysan weli gaarin halkii loo baahnaa, haddana waxaan naga go’an in taariikhda la qoro, howsha uu hayo Maxamed waa qeyb ka mid ah howsheena”ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Qoraaga Maxamed Sheekh Xassan ayaa gaba-gabadii xaflada casho sharafta ah, waxa uu soo bandhigay buug uu ka qoray fanka Soomaaliya oo uu ku wareejiyay Kooxda Waabari iyo boorar sawir ka bixinaya dhaqanka Soomaalida.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo u amba baxay dalka Talyaaniga

Next Post
Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Xuseen Bantu

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo u amba baxay dalka Talyaaniga

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In