Tuesday, April 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah oo dil u geystay muwaadiniin Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Heshiis laga gaaray rabshad ka dhacday goobo  Soomaalida Koonfur Afrika ku ganacsadaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxo burcad ah ayaa weeraro kala duwan oo ay ku qaadeen goobo ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin soomaali ah isla markaana ku yiilay deegaano hoos yimada magaalada Eastlondon ee Dalka koofur Africa, waxaa ay ku dileen labo ganacsade oo soomaali ah oo halkaasi in mudo ah ku noolaa.

Kooxda burcada ayaa weerarka hore waxaa ay ku qaadeen goobo ganacsi oo uu lahaa muwaadin Soomaali ah saacadda marka ay aheyd 9:00 habeenimo Xilliga Koofur Africa waxaana ay dhac u geysteen goobta ganacsiga kadib waxaa ay Bastoolad ku qabteen marxuumka geeriyooday oo lagu magacaabi jiray Cabdi Caamir oo markii uu is dhiibay kadib ay ku dhufteen tooreey ilaa shan mar oo ay nafta kaga qaadeen .

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026
Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026

“Ilaa shan qof ayaa soo Gashay xilli uu albaabka Dukaankiisa xeri rabay ayaa Gidaarka loogu gambaday qori ayaa lagu qabtay Marka uu is dhiibay Kadibna  waxaa ay qabteen asaga tooreey ayey ku dhufteen nin kale oo la joogayna wey xer xereen ilaa alaabta dhan ay ka rartaan”Sidaasi waxaa Radio Muqdisho u sheegay C.rasaaq Ali Kolkolay oo ka mid ah ganacsatada deegaanka Eastlonon.

Weerarka labaad oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday muwaadin soomaaliyeed oo lagu magacaabo aadan Cabdi Wahaab oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida ee caanka ah deegaanka Eastlondon iyo guud ahaan gobolka Eastren Cape.

Kooxda Burcadda ayaa rasaas ku furay xilli uu kaso baxay goobtiisa ganacsiga waxaana rasaasta ay ka haleeshay dhanka wadnaha ayada oo ay halkaasi isaga baxsadeen sida uu inoo xaqiijiyay abdirisaaq kolkolay.

“Meel ka baxsan ayaa nalaga soo wacay waxaa nalo sheegay in nin oday ahaa oo magalada hogaamiye uga ahaa dhanka culimada la dilay kadib markaa tagnay waxaan u tagna asaga oo meyd ah bastoolad sharciyeysan ayuu watay ayadiina lagama qaadan”

Deegaanka eastlondon ayaa waxaa uu ka mid ahaa deegaanada ugu nabdoon eek u nool yihiin soomaalida koofur Africa isla markaana ay ku heystaan ganacsiyada kala duwan.

Cabdullaahi Maxamuud Amiin “Cabdullaahi Qorshe”

Port Elizabeth South Africa

Previous Post

Maamulka degmada Gaalkacyo oo lagu wareejiyay qalab xafiiseed

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha Wakiilka Xoghayaha Guud...

Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

April 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta si rasmi ah u gudbisay nuqulka...

Wasiirka Maaliyadda XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Washington

Wasiirka Maaliyadda XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Washington

April 14, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan gaaray magaalada Washington DC oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In