Tuesday, September 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirada oo lagu magacaabay Taliyaha Xooga Dalka+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 3, 2015
in Wararka
0
Shirka Golaha Wasiirada oo lagu magacaabay Taliyaha Xooga Dalka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xalaaddaha Amniga iyo hogaan cusub oo uu yeesho ciidanka Xooga dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa golaha Wasiirada u soo jeediyay magacaabid taliyaha ciidanka xoogga dalka waxaana dood dheer kadib, goluhu ay isla ogolaadeen magacaabista taliyaha Ciidanka Xooga dalka oo loo magacaabay Janaral Maxamed Aadan Axmad.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale, soo jeediyay in loo dalacsiiyo Taliyaha cusub ee C.X.D. Mudane Maxamed Aadan Axmad darada Sareeye Gaas, maadama uu yahay shaqsitakhasus weyn u leh howlaha Ciidamada, ugana soobaxay kulliyado kala duwan oo dalka dibeddiisa ah.

Taliyaha cusub ee ciidanka C.X.D Janaral Maxamed Aadan Axmad ayaa waxbrashadiisii ciidanimo ku soo qaatay kulliyadda Ciidanka ee Masar, kulliyada hogaaminta ciidanka ee Ruushka, Muskow, kulliyada dagaalka ee dalka Mareykanka, isaga oo sidoo kalena soo qabtay xilal kala duwan oo ciidamada ah, wuxuuna ahaa Taliye qeybta Baladweyne, Taliyaha qeybta ciidanka 60-naad Baydhabo, taliyaha qeybta 21-naad ee Dhuusamareeb.

Arrintan ayaa qeyb ka ah, dardargelinta, xoojinta iyo tayeynta ciidamada xooga dalka, iyadoo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiidna uu ku ammaanay hogaankii hore ee ciidanka inay heer wanaagsan soo gaarsiiyeen Taliska, loogana fadhiyo hogaankan cusub inuu halkaasi ka sii wado.

Dhanka kale, Hanti dhowraha Qaranka Mudane Dr. Nuur Faarax ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyay howlaha Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka, taasoo ku saabsaneyn arrimaha Baarista, hubinta iyo illaalinta Hantida Qaranka, guurto iyo maguurtaba. Waxaana xafiiska Hanti dhowrku uu ka codsaday xukuumada inay ku garab siiso gudashada waajibaadkiisa shaqo, si loo dhowro Hantida Qaranka, looguna dhaqmo si waafaqsan sharciga.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed

Previous Post

Wasiir Diini: “Waxaa naga go’an in aan dhisno Ciidan Qaran oo leh Tayo iyo tababar ku filan”+Sawirro

Next Post

Taliyaha Ciidamada Uganda Oo Booqday Deegaanka Janaale+Sawirro

Next Post
Taliyaha Ciidamada Uganda Oo Booqday Deegaanka Janaale+Sawirro

Taliyaha Ciidamada Uganda Oo Booqday Deegaanka Janaale+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo ka jawaabaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, oo ka cabanayay in la...

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka,...

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa ka qeyb galay shir heer sare ah oo lagu...

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed uga jawaabayey su’aalo la xiriirra waxyaabaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In