Kulankan oo socday muddo labo cisho ah, loogana hadlayay waxa ay shareecada Islaamku ka qabto gudniinka, ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Awqaafta iyo Diinta, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta, agaasime waaxyeedyada Wasaaradda, Culimaa’idiin ka kala socday qaar ka mid ah gobollada dalka, ardayda barata kuliyadaha shareecada ee qaar ka mid ah Jaamacada Muqdisho, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.
Kulanka ayaa laga soo saaray talooyin ay culimada soo jeediyeen oo ah in gudniinku ay tahay mid waajib ah, bulshada ay raacdo sida ay shareecada Islaamku farayso in gabdhaha loo gudo, lana siiyo wacyigelin guud, iyagoo ku baaqay in Wasaaradaha Diinta, haweenka iyo caafimaadka ay iska kaashadaan sidii tababar xag cilmi iyo mid caafimaadba loo siin lahaa dadka sameynaya gudniinka, si aan loogu xadgudbin xuquuqda gabdhaha arrimahaasi lagu sameynayo.
Sheekh Cumar Maxamuud Xerow Wardheere oo ka mid ah culimada ka qeyb gashay kulanka ayaa saxaafadda u akhriyay qodobada ay culimada isku raaceen.
1- Gudniinku waa mid Shareecada Islaamka ku leh sal sharciya oo ah waajib.
2- Bulshadu waa in ay u raacdaa sida Mad-habkeena Shaaficiga ah u faah faahinayo Gudniinka Gabdhaha oo ah in qeybta sare laga jaro dhoorka .
3- Go’aanada Sharciyeed ee Gudniinka waa in looga dambeeyo Culimada Soomaaliyeed maadaama ay arrintaasi tahay Mas’ala Diini ah.
4- Gudniinka Fircooniga ah oo gabdhaha jirkooda la jarjarayo waxaan uragnaa:
- a) In Shareecada Islaamku aysan ogoleyn ayna waajib tahay in la joojiyo.
- b) In ow yahay xadgudub loo geysanayo qeybo ka mid ah jirka carruurteena.
- c) In ow yahay Dhaqan gurracan oo ku saleysan naxariis la’aan.
Baaqa kulanka.
Kulanku marki ow garwaaqsaday jahawareerka ka taagan Gudniinka Gabdhaha wuxuu ku baaqayaa sida soo socota:
1- In Wasaaradaha kala ah Awqaafta iyo Arr. Diinta iyo tan Caafimaadka ay siiyaan tababar Caafimaad iyo mid Diimeed dadka ku Shaqeysta xirfadda Gudniinka.
2- In aan loo ogolaan qof aan ruqsad Xirfadda Gudniinka haysan in uu wax gudo
3- In mowduuc ka hadlaya Gudniinka lagu daro Manaahijta waxbarashada Dalka Marxaladaheeda kala duwan.
4- In Culamaa’udiinku Bulshada uga faahfaahiyaan aragtida Sharceeda Islaamka ee Gudniinka dhanka qalabka warbaahinta iyo kulamada Bulshada.
Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan Nuux oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in marka laga hadlayo arrimaha gudniinka ay tahay mid culimada looga fadhiyo, isla markaana la qaato talooyinka ay soo jeediyeen.
“Mowduuca aad ka hadasheen wax auu ahaa mid aad u mihiim ah, waana mid meelo kale oo lala aaday, laakiin dadkii ku haboonaa ee ehelka ahaa in aad idinka tihiin, sida aad ugu haboona idinka ayaaba hadda ka hadlay, runtii waxaad ogtihiin in Soomaaliya ay tahay Wadan Islaam ah, sheey kasta oo la rabo in wax laga gaaro culimada ayaa aas aas ah, in haddii culimada la hareer marana ay dhibaato ka dhalan karto” ayuu yiri Wasiirka Dhalinyarada.
Wasiirka Awqaafta iyo diinta ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Sheekh Cabdiqaadir Sheekh Cali Ibraahim Baqdaadi ayaa xusay in Wasaaradda ay xoojineyso baaqa culimada iyo qodobada ay ka soo saareen shirka looga hadlay gudniinka iyo sida looga hortagi karo gudniinka fircooniga ah, isagoo intaa ku daray in tallaabo sharci ah la qaadi doono qofkii ku xadgudba gabdhaha.
“Qofkii ku xadgudba ee lagu soo ogaado ay xaq u leedahay dowladda iyo xeer ilaalinta inay dabagasho oo la soo qabto, maadaama ay tahay jariimo, maadaama uu gudniinku u dhexeeyo dhaqankii foosha xumaa iyo Sunida, sidaas awgeed in qofkasta uusan qaban Karin gudniinka, qofka qaban karana uu noqdo qof taqasus leh, oo heysta ruqsad uu arrimahaasi ku fulin karo, warkaas uu culimada ka soo baxay waa war aad u weyn” ayuu yiri Wasiirka Awqaafta.