Wednesday, March 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan:-“Awoodii Argagaxisada Waan Wiiqnay Waqtigooduna Wuu Dhamaaday”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan:-“Awoodii Argagaxisada Waan Wiiqnay Waqtigooduna Wuu Dhamaaday”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay safar ku tagay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa ka hadlay qaabka ay u dagaalamaan maleeshiyaadka argagaxisada UGUS  ee ku dhuumaaleysanaya qeybo  ka mid ah gobolada dalka.

Madaxweyne Xasan oo shalay ka hor hadlay Odayaasha, Waxgaradka iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida  iyo Kuwa Amisom ee Ka Howlgala Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in  ay awood yareeyeen argagaxisadii Soomaaliya ka dagaalameysay weerarada mararka qaar ay ku soo qaadayaan xarumaha ciidamada ay tahay maleeshiyaad yar oo isa soo uruursaday meel kastooy joogaan kaddibna si dhuumaaleysi ay ku joogaan meelaha ay isaga habar wacdeen, isagoo xusay madaxweynaha in arintaasi looga gudbi karo in shacabka iyo dowladda ay is kaashadaan si loo sii baabi’iyo xagjirka.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

March 18, 2026

Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday heshiis kal hore la kala dhex dhigay beelo ku dagaalamay Sh hoose kaas oo uu sheegay in mas’uuliyada fulintiisa ay qaadayaan odayaasha labada beelood  hadii uu guuleystana Al Shabab laga ciribtiri karo gobolkaas.

Madaxweynaha ayaa  ku cel celiyay mar kale dhibaatada ay leeyihiin isbaarooyinka yaala wadooyinka Sh. Hoose, waxaana uu tilmaamay ninkii Dhigta isbaaro in uusan naga mid eheyn, Dowladuna ay ka soo saartay arrinkani go’aano cad, waxaana saraakiisha ciidamada uu ku amray in ay ka dhiidhiyaan isbaarooyinka Odayaasha shalay ay qeylo dhaanta ka muujiyeen, isagoo sharaakiishaasi maah maah eheyd askari Xun ma jiro ee Sarkaal xunaa jira.

Previous Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Xildhibaanada Maamulka Jubbaland oo lagu kordhiyay Xubno Cusub

Next Post
Xildhibaanada Maamulka Jubbaland oo lagu kordhiyay Xubno Cusub

Xildhibaanada Maamulka Jubbaland oo lagu kordhiyay Xubno Cusub

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
0

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah istiraatiijiyadda cusub ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

March 18, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maalintii labaad magaalada...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

March 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), waxay si dhow ula socotaa xaaladaha ka soo cusboonaaday...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

March 18, 2026
0

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu talagalay Ciidda u qeybiyey hooyooyin iyo carruur ku jira Isbitaalka Xoogga,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In