Tuesday, December 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan:-“Awoodii Argagaxisada Waan Wiiqnay Waqtigooduna Wuu Dhamaaday”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan:-“Awoodii Argagaxisada Waan Wiiqnay Waqtigooduna Wuu Dhamaaday”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay safar ku tagay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa ka hadlay qaabka ay u dagaalamaan maleeshiyaadka argagaxisada UGUS  ee ku dhuumaaleysanaya qeybo  ka mid ah gobolada dalka.

Madaxweyne Xasan oo shalay ka hor hadlay Odayaasha, Waxgaradka iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida  iyo Kuwa Amisom ee Ka Howlgala Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in  ay awood yareeyeen argagaxisadii Soomaaliya ka dagaalameysay weerarada mararka qaar ay ku soo qaadayaan xarumaha ciidamada ay tahay maleeshiyaad yar oo isa soo uruursaday meel kastooy joogaan kaddibna si dhuumaaleysi ay ku joogaan meelaha ay isaga habar wacdeen, isagoo xusay madaxweynaha in arintaasi looga gudbi karo in shacabka iyo dowladda ay is kaashadaan si loo sii baabi’iyo xagjirka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Masar ee Soomaaliya

December 9, 2025
Golaha Midowga Culimada oo kormeer ku tegay Bakhaarka Keydka gargaarka ee Hay’adda SoDMA

Golaha Midowga Culimada oo kormeer ku tegay Bakhaarka Keydka gargaarka ee Hay’adda SoDMA

December 9, 2025

Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday heshiis kal hore la kala dhex dhigay beelo ku dagaalamay Sh hoose kaas oo uu sheegay in mas’uuliyada fulintiisa ay qaadayaan odayaasha labada beelood  hadii uu guuleystana Al Shabab laga ciribtiri karo gobolkaas.

Madaxweynaha ayaa  ku cel celiyay mar kale dhibaatada ay leeyihiin isbaarooyinka yaala wadooyinka Sh. Hoose, waxaana uu tilmaamay ninkii Dhigta isbaaro in uusan naga mid eheyn, Dowladuna ay ka soo saartay arrinkani go’aano cad, waxaana saraakiisha ciidamada uu ku amray in ay ka dhiidhiyaan isbaarooyinka Odayaasha shalay ay qeylo dhaanta ka muujiyeen, isagoo sharaakiishaasi maah maah eheyd askari Xun ma jiro ee Sarkaal xunaa jira.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Xildhibaanada Maamulka Jubbaland oo lagu kordhiyay Xubno Cusub

Next Post
Xildhibaanada Maamulka Jubbaland oo lagu kordhiyay Xubno Cusub

Xildhibaanada Maamulka Jubbaland oo lagu kordhiyay Xubno Cusub

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Masar ee Soomaaliya

December 9, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar u...

Golaha Midowga Culimada oo kormeer ku tegay Bakhaarka Keydka gargaarka ee Hay’adda SoDMA

Golaha Midowga Culimada oo kormeer ku tegay Bakhaarka Keydka gargaarka ee Hay’adda SoDMA

December 9, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Midowga Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Aaden Abuukar Cismaan (Suufi Yare) oo hoggaaminaya xubno ka tirsan Golayaasha Culimada ayaa booqasho...

Wasiiro ka tirsan XFS oo kormeeray xarunta Degmada Howlwadaag oo ay ka socoto qaadashada kaarka codbixinta

Wasiiro ka tirsan XFS oo kormeeray xarunta Degmada Howlwadaag oo ay ka socoto qaadashada kaarka codbixinta

December 9, 2025
0

Wafdi Wasiirro ah oo kala ah Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamuud Axmed (Geesood), Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya

December 9, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In