Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Tababar U Furay Ciidamo Boliiska Ah “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Tababar U Furay Ciidamo Boliiska Ah “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

IMG_5556 IMG_5544 IMG_5456 IMG_5463 IMG_5472 IMG_5480 IMG_5486 IMG_5524 IMG_5528 IMG_5544 IMG_5551 IMG_5552 IMG_5556 IMG_5563 IMG_5576 IMG_5582 IMG_5590 IMG_5600 IMG_5602 IMG_5622 IMG_5691Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay  tababar ugu furay xerada Abqaale oo ku taala Degmada Xarfo Ciidan Booliis ah oo laga kala keenay Gobalada Barri, Karkaar iyo Ceyn ee maamulka Puntland.

Dr C/weli  ayaa markii uu gaaray xeradaasi waxaa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska ee uu halkaasi tababarka ugu furay ,waxaana uu ku dhiirigeliyey in casharada loo dhigayo ay si fiican uga faa’iideystaan si aqoontoodu u kobacdo .

Related posts

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

December 16, 2025
Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

December 16, 2025

‘’Dawladnimadu waa sharci iyo kala dambeyn , sharciga iyo dawladnimaduna gacmaha iyo lugaha ay ku adeegtaana waa Booliiska iyo maxkamadaha , runtiina muhiim ayaad noo tihiin ‘’ Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Puntland.

‘’ Tababarkaan marka uu idiin dhammaado waxaan rajeynayaa in xaquuqdiina aad si joogta ah u heshaan , aysana dhicin dayac dambe oo ciidanka Booliska ah ‘’ Ayuu hadalkiisa raaciyey  Dr Gaas.

Madaxweynuhu.

Wajiyada Ciidankaan uu tababarka u furay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa laga dareemayey farxad iyo reyn reyn, maadama ay fursad muhiim ah u tahay in aqoontooda kor loo qaado , si ay u gutaan waajibaadka shaqo ee horyaala.

Ciidankaan Booliiska ah ayaa waxaa ay isugu jiraan rag iyo dumar, tiradooduna waxaa ay dhantahay ku dhawaad 500-askari, waxaana uu tababarku u soconayaa 45-maalmood.

C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa markii uu tababarka soo furay kadib waxaa uu shacabka Bacaadweyn kula qaxweeyey goob meherad ah oo saaran dhinaca laamiga.

 

-DHAMMAAD-

 

Previous Post

Dadkii Horey Uga Barakacay Caabud-waaq Oo Dib Guryahoodii Ugu Noqonaya

Next Post

Jowhar oo laga xusay sanadguurada maxkamadda racfaan ee ciidamada Qalabka sida

Next Post
Qaban qaabada dibad baxyo lagu taageerayo shirki IGAD ee shalay ka dhacay Muqdisho oo ka socda Jowhar

Jowhar oo laga xusay sanadguurada maxkamadda racfaan ee ciidamada Qalabka sida

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

December 16, 2025
0

Guddiga Madaxa banaan ee Dib- u- eegista Dastuurka ayaa Kulan Latashi hordhac ah oo ku saabsan Cutubka Maaliyadda oo la...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

December 16, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada maamulka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

December 16, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), ayaa kormeer shaqo ku tegay deegaanno...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

December 16, 2025
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Cabdullahi (Abukaate), ayaa ka qaybgalay shirkii labaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In