Iyadoo mudooyinkii u danbeeyay uu maamulka Galmudug ku howlanaa wax ka qabashada falalka amaan darada iyo jidgooyooyinka sharci darada ah ee ay maleeshiyaadka hubeysani dhiganayeen wadada isku xirta magaalooyinka Galkacyo iyo Galinsoor ayaa waxaa maanta mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan kuwa booliiska Galmudug ay si rasmi ah u dhagax dhigeen saldhig ciidamada booliiska Galmudug lagu wado in ay ka sameeystaan deegaanka sadax higlo oo qiyaas ahaan magaalada Galkacyo 50 kilo mitur uga beegan dhinaca koofureed.
Munaasabada dhagax dhigga saldhiga ciidanka booliiska deegaanka 3 higlo oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin saraakiil iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa waxaa ugu horeeyn ka hadlay taliyaha qeybta booliiska
Gobalka Mudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar waxaana uu sharaxaad ka bixiyay ujeedka saldhigaaan looga yagleelayo deegaanka sadax higlo.
“Muhiim maaha saldhig in la dhisaa laakiin muhiimadu waxay tahay muxuu qabanayaa saldhigaan waxaa loo dhisayaa in dadku ay amni ku helaan nabad galyo ku helaan wax kasta oo dagmadaan iyo deegaanada ku dhaw
dhaw dhib ku haya sidii wax looga qaban lahaa in ay gacan ka geystaan wax badan ayaan ku taamayay hirgalinta saldhigaan waxaana u mahad celinayaa dhalinyarada garatay in ay dhulkaan bixiyaan” ayuu yiri G/sare Maxamed Nuur Cali.
Taliyaha qeynta boolisska gobolka Mudug G/sare Maxamed Nuur Cali ayaa dhinaca ka codsaday bulshada
deegaankaasi in ay ciidamada amaanka ka gacan siiyaan la dagaalanka maleeshiyaadka isbaarooyinka dhiganaya deeganada u dhaxeeya Galkacyo Iyo Galin soor.
Gudoomiyaha Gobalka Mudug mudane Aweys Cali Saciid oo isna madasha ka hadlay ayaa uga mahad celiyay maamulka iyo bulshada deegaanka sadax higlo sida ay markasta diyaarka ugu yihiin in ay la shaqeeyaan
maamulka iyo ciidamada Amaanka.
“Wax aad loogu farxo ayaan saaka dul taaganahay waana arin umadda Soomaaliyeed iyo tan Galmudug gaar ahaan deegaanadaan gobalka Mudug la rabo in ay ku daydaan dabagalaan qolo walibana ay u istaagto dagmadeeda sida sadax higlo dhalinyaradeedii iyo gabdhaheedii isku abaabuleen ayaga waan uga mahad celinaynaa” ayuu yiri gudoomiyaha gobalka Mudug.
Sawir Qaade Wariye C/risaaq Maxamed Axmed