Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta-sare Maamulka Puntland Dr.Abshir Yuusuf Ciise ayaa waxaa uu kulan la qaatay Maamulayaasha Iskoolada Gaalkacyo.
Kulankaan oo ahaa mid aad u balaaran ayaa waxaa kasoo qayb galay 50 Maamule oo ka hawl gala Dugsiyo H/Dhexe iyo kuwo sare waxaana ay ka kala yimaadeen Degmada Gaalkacyo oo Nawaaxigeeda.
Kulanka oo ka dhacay Xarunta Dugsiga sare ee Cumar Samatar ayaa waxaa furay Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Bashiir Axmed Khalaf waxaana uu sheegay in Wasaarada Waxbarashada ay hoos yimaadaan 120 Iskuul oo ku yaala Gobolka Mudug.
Dr. Abshir Yuusuf Ciise Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta-sare ee maamulka Puntland ayaa waxaa uu Maamulayaasha ka dhagaystay Xog ku saabsan Dugsiyada ay maamulaan waxaana uu tilmaamay in Maamulayaashu ay yihiin Hormuudka Bulshada loona baahanyahay inay ka shaqeeyaan Hormarka Waxbarashada iyo Waxbarista Dhalaanka iyo Dadka aan Aqoonta lahayn.
Wasiirku waxaa uu sheegay in ay Kormeer ku tagi doonaan Iskoolada Magaalada Gaalkacyo ayna u kuur galayaan Xaalada ka jirta isaga oo sheegay in dhawaan uu soo gaari doono Gobolka Manhajka Waxbarashada oo dhamaystiran.
Si kastaba ha ahaatee Kulankaani ayaa waxaa uu noqonayaa Kulankii u horeeyay oo Wasiirku uu la yeesho Maamulayaasha Iskoolada Magaalada Gaalkacyo waxaana Maamulayaashu ay muujiyeen Farxadooda ku aadan la kulanka Wasiirka.