Aqoon la’aani waa iftiin la’aan, waa oraah waartay oo lagu muujiyo sida jahligu ula mid yahay mugdiga, aqoontuna ula mid tahay iftiinka.
Jahligu waa aafo weyn waxa uuna sabab u yahay dhibaatooyin badan oo haysta bulshooyin dunida ku nool.
Islaamku waxa uu dhiirri geliyay aqoonta iyo waxbarashada. Aayadihii ugu horreysay ee Eebe soo dejiyay waxa ay ka hadlayeen Akhriska, Qallinka iyo Aqoonta.
Dalalka horumaray, waxay halkaas ku gaareen, markii ay mudnaan siiyeen tacliinta iyo cilmi baarista, taas oo ay ka dhaxleen horumar dhinac kasta ah iyo xasillooni amni iyo siyaasadeed.
Dalalka uu hooseeyo heerka waxbarashada bulshadoodu sida dalkeenna Soomaaliya, waxaa ka jira qulqulatooyin iyo dib u dhac dhinac walba ah.
Ahmiyadda Tacliinta iyo sida islaamku u dhiirri geliyay, waa mowduuca toddobaadkan uu ku saabsan yahay barnaamijkeenna Tubta Toosan oo uu nagala qeyb galaya Sheikh Axmed Cali Cismaan.