Wafdigan uu hogaaminayay danjiraha DFS u fadhiya dalkani Kenya Ambaasadoor Jamaal Maxamed Xasan ayaa booqasho waxa ay ku taageen xabsiga Shimo la tewa ee magaalada Mombaasa oo ay ku xiranyihiin ku dhowaad 100 maxaabiis Soomaali ah oo ku xukuman falal burcad badeednimo ah.
Xubnaha wafdiga ayaa waxaa kamid ah qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalkani Kenya mudane Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi), taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliay Generaal Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe” taliyaha xabsiyada ee dalka Kenya, Isaya Osugo, wasiirka Cadaaladda ee maamulka Puntland Saalax Xabiib Jaamac, Agaasimaha la dagaallanka burcad badeeda ee maamulkaasi C/risaaq Ducaysane iyo xubno ka socday hay’adda Q.M midoobay u qaabilsan dambiyada ee magaceeda loo soo gaabiyo UNODC.
Dajire Jamaal ayaa maxaabiista ka dhagaystay warbixin la xiriirta xaaladda dhabta ah oo ay ku suganyihiin, waxaana Telefishinka Qaranka la hadlay qaar kamid ah maxaabiista la xukmay,iyagoo sheegay in ay dhibaatooyin badan ku haystaan xabsiga,islamarkaana ay jeclaan lahaayeen in ay xabsigooda ku dhameystaan dalkooda hooyo ee Soomaaliya.
Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Genraal Bashiir Maxamed Jaamac iyo wasiirka cadaaladda ee maamulka Puntland Saalax Xabiib Jaamac oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa maxaabiista la xukmay la wadaagay sida ay uga xunyihiin dhibaatada ku haysata gudaha xabsiga,waxana ay sheegeen in ay kuy dadaali doonaan sidii mudada uga harsan xukunkooda ay ugu dhameysan lahaayeen dalkooda.
Safiirka DFS u fadhiya dalkani Amb. Jamaal Maxamed Xasan ayaa maxaabiista guddoonsiiyay deeq dhar ah oo ka koobneed Shaarar, macawiisyo iyo funaanado, kuwaasi oo uu ugu talo galay in ay uga qeyb galaan damaashaadka Ciidul Adxaa, waxaana uu u ballan qaaday in goor dhow uu arrintooda wax ka qaban doono.
Waa booqashadii u horreysay oo uu safiirka safaaradda Soomaaliya ee dalkani Kenya Amb. Jamaal Maxamed Xasan uu ku tago xabsiga Shimo La tewa ee magaalada Mombaasa, tan iyo markii loo magacaabay xilka safiirnimo.