Dowladda Sacuudiga ayaa iska fogeysan eedeyn kaga timid Dowladda Iiraan oo ku saabsan isburashadii ka dhacday Xajka inay sabab u ahayd waxa ay ugu yeertay Maamul xumada Sacuudiga ka.
In kabadan 700 oo qof ayaa geeriyootay kadddib markii ay isku duldaateen, dadkii xujayda ee ku sugnaa Mina.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Sucuudiga waxa uu sheegay in sheekada nuucaasi ah inay tahay mid naceyb ah,
Warbaahinta Dowladda Iiraan ayaa baahisay in dhacdadas ka hor Jiddadka loo Xiray Madax’sare oo goobta maraysay.
Iiraan oo 131 qof ay dhacdadaasi uga geeriyootay waxa ay sheegtay in Sucuudiga ay ku eedeynayaan maamul xumo, waxayna dalbatay in kuwa ka dambeeya Arrintaasi Tallaabo Cadlaga qaado.
Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya
RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Hassan, oo ay weheliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda,...












