Thursday, June 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaamacadda Ummadda oo soo bandhigtay arday cusub oo ay qaadatay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Xoojinta amniga degmada Xamarweyne oo laga shiray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad kooban oo lagu soo dhaweenayay afar boqol iyo kontan  Arday oo kamid ah dufcadii labaad ee u fariista Jamacada Ummadda Tan iyo markii dib loo yagleelay ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare,Wasiiru Dowlaha Wasaarada Waxbarashada, Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda ,ku-xigeenadiisa , hormuudyada kuliyadaha Jaamacadda, arday iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye ku-xigeenka dhanka waxbarashada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Mudane Aadan Guuleed Shabeel hadal kooban ka jeediyay xafladda ayaa ardayda u sheegay iney yihiin dad  nasiib badan maadama ay u suura gashay ka gudbida imtixaanka lagu galayay Jaamacadda.

Related posts

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026

Gudoomiyaha Jaamacadda Prof Maxamad Axmad Jimcaale ayaa tilmaamay in sanadkaan ardayda xafladda loo sameynayo ay ka badan yihiin ardaydii sanadkii hore la qaatay, isagoo ku booriyay inay u istaagaan sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda ee ay doorteen.

WasiirkaWaxbarashada iyo Tacliinta sare Qadro Bashiir Cali ayaa ardayda u ujeedisay in Dadaalaan ,maadaama Jaamacaddu tahay mid adag oo aan ardayga lagula xisaabtami doonin lacag, balse xisaab tanka ka dhaxeeya ardayga iyo maamulka uu yahay cilmi, ay ka bartaan cilmiga ay u yimaadeen.

Qaar ka mid ah ardayda cusub ee ay Jaamacadda Ummadda qaadatay oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin ku soo biiridda Jaamacadda.

 

 

 

 

 

Previous Post

Maalinta dalxiiska aduunka oo Muqdisho laga xusay

Next Post

Jaamacadda Plasma oo bandhig cilmiyeed ka sameysay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Jaamacadda Plasma oo bandhig cilmiyeed ka sameysay Muqdisho “SAWIRRO”

Jaamacadda Plasma oo bandhig cilmiyeed ka sameysay Muqdisho "SAWIRRO"

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
0

Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay fanaanka Saalax Sanaag, Abwaan Cabdiraxmaan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

June 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In