Wednesday, April 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha Madaxweynaha dalka oo qaabilay ku-xigeenka QM iyo safiirka Switzerland ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Soo Saaray Go’aan Ku Saabsan Maareynta Wadahadal gelinta Mooshinka Madaxweynaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Madaxwaynaha dalka ahna Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kulanka ugu horeeyey la qaatay safiirak dowladda Switzerland u jooga Soomaaliya Dominik Langenkbarcher, waxa ayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xoojinta iskaashagiga ka dhexeeya labada dal iyo sidii dowladda Switzerland ay Soomaaliya kaga caawin lahayd qibradda ay u leedahay hanaanka  Federaalka ee uu dalkeena  qaatay  iyo faa’iidada uu u leeyahay bulshada.

Afhayeenka Barlamaanka  Soomaaliya  kaga mahad celiyey  dowladda Switzerland sida ay kaga go’an tahay tageerida dhismaha hay’addaha dowladda Soomaaliya, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay xiligaan u jihaysatay  waddo deer oo dhinaca horumarka ah, dowladda Switzerland ay ka korarsan karto qibradda dheer ee ay u leedahay nidaamka Federaalka oo ay  ku dhaqmaysay mudo ka badan 200sano.

Related posts

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

April 15, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

April 15, 2026

Mr Dominik  safiirka  dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya ayaa hoostaka xariiqay in uu aad ugu faraxsan yahay horumarka ay ka samaysay dowladda Soomaaliya, dhinacyadda kale duwan, dowladiisuna ay ka go’antahay in ay  Soomaaliya ka caawiso  hirgalinta  hiigsiga 2016ka.

Dhanka kale Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ku-simaha Madaxwaynaha dalka ahna Guddoomiyaha Barlamaanka  Soomaaliya  ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee  Qaramada Midoobay u qabilsan Arrimaha Soomaaliya Peter de Clercq  ahna isuduwaha gargaarka beni’aadanimo Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, oo ay ka wada hadlaan qobado dhowr ah oo ay ka mid  tahay  tayeynta  dhallinyaradda Soomaliyeed si ay door weyn kaga qataan  dhimacyadda siyaasadda, waxbarasha iyo  sidii  ay lagama maarmaan u tahay in  wax laga qabto dhibaatada  beni’aadanimo ee ka jira deeganaadda qaar ee dalka  iyo tan dadka barakacayaasha ah.

Ku-simaha Madaxwayanaha ayaa  Qaramadda midoobey ku adkeeyey sida ay u tahay mid lagama maarmaan ah in dhalinyaradda Soomaaliyeed la siiyo fursad, madaama dadka Soomaaliyeed lagu qiyaaso 75% inay yihiin dhallinyaro, wadatashi kastana ay  ka dhex-muuqdaan. ,

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Peter de Clercq ayaa kulankooda iskula soo qaaday  dhibaatooyin ka dhalin kara  isbadalka  cimilada adduunka oo dadka cilmiga u leh ay saadalinayaan  in laga yaabo in ay dhacdo fatahaad  ka iimaynsa dhinaca badda ah,  loona baahan yahay in  laga sii tabaabusheesto, si aysan dhibaato ugu gaysan dadka  degan meelaha xeebaha ah.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya oo ku baaqay in la joojiyo colaadaha u dhaxeeya Walaalaha Sool iyo Nugaal WARSAXAAFADEED

Next Post
DAAWO: Guddomiye Jawaari oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Xildhibaan Xaabsade

Ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya oo ku baaqay in la joojiyo colaadaha u dhaxeeya Walaalaha Sool iyo Nugaal WARSAXAAFADEED

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

April 15, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

April 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Ciidanka Qalabka Sida oo howlgal qorsheysan ku dilay ku dhawaad 60 ka tirsan Khawaarijta

April 15, 2026
0

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardo oo ka tirsan gobolka Hiiraan, Ugunji...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

April 15, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardho ee gobolka Hiiraan, Ugunji ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In