Saturday, August 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya oo ku baaqay in la joojiyo colaadaha u dhaxeeya Walaalaha Sool iyo Nugaal WARSAXAAFADEED

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
DAAWO: Guddomiye Jawaari oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Xildhibaan Xaabsade
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo xiisadaha u dhaxeeya beelaha walaallaha ah ee ka jira deegaanno ka kala tirsan gobollada Sool iyo Nugaal.

“Hor iyo horaan waxaan ka tacsideynayaa dadkii ku dhintay xiisadaha u dhaxeeya dadka walaallaha ah ee xoolo dhaqatada ah oo xiisadahoodu weli ka taagan yihiin deegaanno ka kala tirsan gobollada Sool iyo Nugaal, runtii waa wax aad iyo aad u xun oo aan wanaagsaneyn in xiligan uu daato dhiig sokeeye,waana waajib qof walba laga doonayo in uu gacan ka geysto sidii loo joojin lahaa dhiigaasi ka daadanaya dadka walaalaha ah”ayuu yiri ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah u daah furay Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah u daah furay Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal

August 1, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerar lagu qaaday deked ku taalla Masar

Dowladda Soomaaliya oo tacsi u dirtay dhiggeeda Aljeeriya

August 1, 2026

“Waxaan ku baaqayaa in si deg deg ah loo joojiyo xiisadaha jira oo ah war aan farxad gelineyn qof walba oo damiir leh, waxaan dhiira gelinayaa dadaallada dhex dhexaadinta ah ee ay wadaan odayaasha,isimada,waxgaradka iyo garaadyada labada dhinac, sidoo kalena waxaan aad u dhiira gelinayaa dadaallada Puntland ay ku dooneyso in xal looga gaaro arrimahaasi, si taasi la mid ahna waan ku boorinayaa cid walba iney ka qeyb qaadato sidii dagaalladaasi xal looga gaari lahaa” ayuu hadalkiisa raaciyey Ku simaha Madaxweynaha Dalka.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” waxa uu Alle subxaanahu watacaalaa ka baryey in umadda walaallaha ah ee ay dirirtu ka dhaxeyso uu quluubtooda isku soo dumo islamarkaana inta ku howlan xal u helidda arimahaasi uu ku guulleeyo dadaalkooda.

 

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker

Previous Post

Ku-simaha Madaxweynaha dalka oo qaabilay ku-xigeenka QM iyo safiirka Switzerland ee Soomaaliya

Next Post

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo kulan dhiiri gelin ah loo sameeyay “SAWIRRO”

Next Post
Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo kulan dhiiri gelin ah loo sameeyay “SAWIRRO”

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo kulan dhiiri gelin ah loo sameeyay "SAWIRRO"

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah u daah furay Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah u daah furay Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa maanta xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa si rasmi ah uga furmay, Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerar lagu qaaday deked ku taalla Masar

Dowladda Soomaaliya oo tacsi u dirtay dhiggeeda Aljeeriya

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Aljeeriya kadib shilkii naxdinta...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u direy bulshada deegaanada Puntland & Maamulkaba sanad guuradda...

Shir-madaxeedkii dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala

Shir-madaxeedkii dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO(KAMPALA):-Shir Madaxeedkii gaarka ahaa ee dalalka ciidamada ku taageera hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo ka qabsoomay magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In