Mashruucan oo lagu dhisayo wado dheer oo isku xirta degmooyinka C/waaq iyo Hobyo oo Galgaduud iyo Mudug ka kala tirsan ayaa waxaa maanta dhagax dhigay madaxwaynaha dawlad goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo ay whliyaan mas’uuliyiin kale oo maamulka ka mid ah.
Dhawr Shirkadood oo maxali ah ayaa hadda ku hawlan dhismaha wadadan oo ka bilaabata afaafka hore ee degmada Cadaado, walina ma helin maalgalin balaaran oo hawsha lagu socod siiyo.
Cilmi Nuure Wehliye waxa uu madax u yahay mid ka mid ah Shirakadaha halkan ka shaqaynaya, waxa uu Radio Muqdisho u sheegay in ay faleen dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ilaa 1km oo Jaay ah, balse ay ku tashanayaan shacabka iyo maamulka Galmudug.
Gudoomiyaha degmada Cadaado C/llahi C/raxmaan ayaa faahfaahin ka bixiyay wadadan iyo meelaha la qorsheeyay inay marto, waxaana uu sheegay in wadadan oo ka bilaabata Cadaado ay marayso deegaanada Gidhays, Ardo, Baxdo, Qaydaro, Bajeela, Wizil, Gawaan iyo Hobyo, iyadoo dhinaca Galbeedna u aadi doonta degmada C/waaq.
Madaxwaynaha dawlad goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in ka maamul ahaan ka shaqaynayaan hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxaana dhismaha wadadan uu ugu yaboohay 50-kun oo Doller.
Bilaabashada dhismaha wadadan oo loo arko inay tahay mid muhiim ah u ah Galmudug ayaa ku soo aaday waqti hawlgalinta Dekada Hibyo dhawaan la filayo.
W/D: Maxamuud Cabdi Diirshe