Saturday, June 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Mareeye oo Nairobi Kula Kulmay Mas’uuliyiinta Hay’adda USAID

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiir Mareeye oo Nairobi Kula Kulmay Mas’uuliyiinta Hay’adda USAID
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiisa Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa magaalada Nairobi kula kulmay mas’uuliyiinta hay’adda USAID u qaabisan Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta ayaa la kulmay mas’uuliyiinta kala ah Monica J. Moore oo hay’adda USAID u qaabilsan barnaamijyada Soomaaliya,Sean Brooks oo ah la taliyaha barnaamijka xasilinta dalka iyo xubno kale.

Related posts

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

June 27, 2026

Wasiirka warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiisa Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa mas’uuliyiinta hay’adda USAID warbixin ka siiyay xaalada dalka Soomaaliya,isagoo sheegay in ay sii dhamaaneyso qatarta kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab,dowladana ay cirib tireyso haraadiga kooxdaasi.

Wasiirka ayaa u sheegay mas’uuliyiinta Hay’adda USAID in Telefishinka qaranka iyo Radio Muqdisho laga sii daayo ruwayaado iyo barnaamijyo wacyi galin oo dhalinyarada looga wacyi galinyo qatarta kooxda Al-shabaab,iyo sida ay muhiim u tahay in ay ka tanaasulaan fikirka qaldan oo ay kooxdaasi ka dhaadhicisay.

Wasiirka warfaafinta ayaa u sheegay mas’uuliyiinta USAID in warbaahinta qaranka ay xurumo ka hir galisay qaar ka mid ah gobolada dalka,si shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiiyo dowladnimada.

Wasiir Maareeye ayaa uga mahad celiyay hay’adda USAID sida ay dhinacyo badan uga taageerto wasaarada warfaafinta,waxana uu ka codsaday in ay sii wadaan taageeradaasi.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka codsaday mas’uuliyiinta hay’adda USAID in ka taageeraan mashruuca dhaqanka,warbaahinta iyo library loo dhisay wasaarada warfaafinta.

Wasiir Maareeye ayaa tilmaamay in xiriir wanaagsan oo uu ka dhaxeeyo wasaarada warfaafinta iyo warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay.

Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiisa Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sidoo kale ka codsaday mas’uuliyiinta hay’adda USAID in ay tababaro dhanka xirfada ah ay siiyaan shaqaalaha wasaarada warfaafinta iyo warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay intaba.

Mas’uuliyiinta hay’adda USAID ayaa sheegay in ay qaar ka mid ah gobolada dalka ka wadaan tartamo isboorti oo ah is dhex galka dhalinyarada,maadaama dhalinyarada ay tahay %65 shacabka dalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Hay’dda USAID ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan la shaqeynta iyo taageeridda wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiisa.

Previous Post

Shirkad bixisa shidaalka diyaaradaha oo maanta ka shaqo billowday garoonka Aadan Cadde

Next Post

Dowlada Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka oo Nairobi Ku Kala Saxiixday Heshiis Lagu Bixinayo Mushaarka Shaqaalaha Dowlada”Sawirro”

Next Post
Dowlada Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka oo Nairobi Ku Kala Saxiixday Heshiis Lagu Bixinayo Mushaarka Shaqaalaha Dowlada”Sawirro”

Dowlada Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka oo Nairobi Ku Kala Saxiixday Heshiis Lagu Bixinayo Mushaarka Shaqaalaha Dowlada"Sawirro"

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maanta oo ku beegan 27-ka Juun, Jamhuuriyadda Jabuuti waxay u dabbaaldegaysaa sannad-guuradii 49-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali (Dhaay), ayaa ka qaybgalay...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu...

Guddiga Qaran ee qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo kormeeray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Guddiga Qaran ee qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo kormeeray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In