Wariyeyaashii Telefishanka Universal ee dhowaantan la xiray ayaa xabsigan laga sii daayay.
Wararka aan ka heleyno Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa sheegaya in wariyeyaashan oo kala ah Cawil Daahir Salaad iyo Cabdullaahi Xersi Kulmiye damaanad lagu sii daayay.
Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir ( Maareeye) ayaa soo dhoweeyay sii deynta labadan wariye.
Wasiir Maareeye, ayaa ugu baaqay saxafiyiinta iyo saxaafaddu in ay wax u tebiyaan si xil kasnimo ah, ayna ka fogaadaan baahinta wax kasta oo wax u dhimi kara xasilloonida, nabad gelyada dalka iyo wada jirka ummadda Soomaaliyeed.