Dunida oo dhan waxaa maanta laga xusay 21 September oo ah maalinta loo asteeyay, maalinta nabadda adduunka. Waxaa la is xusuusiyaa xumaanta laga dhaxlay colaadaha aloosan iyo samaanta nabadda.
Dalkeennu waxa uu colaado lagu hoobtay ku jiray waqti dheer oo ka badan 20 sano.
Sanado badan ayay kooxo beeleed iyo kuwo sheegaya in ay diin u dagaallamayaan dhibaato ba’an ku hayeen bulshada Soomaaliyeed.
Boqollaal kun ayaa ku dhintay colaadda iyo dhibaatooyinkii ka dhashay oo ay abaaro iyo cudurro ka mid yihiin.
Alshabaab oo Islaamnimo sheegta ayaa iyaguna arrinta uga sii daray, markii ay soo dhoofiyeen qaraxyo ismiidaamin ah iyo gowrac dad biri-mageydo ah.
Sanado badan oo colaad iyo burbur ah ka dib, Soomaalidu waxay u baahi qabaan nabad gelyo buuxda.
Samaanta nabadda iyo Xumaanta colaadda. Waa mowduuca toddobaadkan ee barnaamijka Tubta Toosan oo uu marti noogu yahay Sheikh Maxamed Cabdulle Maxamed