DowladdaTurkiga ayaa Sheegtay in ay kor u kacday tiradii dhimashada ee Qaraxyadii ka dhacay dibadbax nabadeed oo ka socday magaalada caasimadda u ah dalkaas ee Ankara.
Xukuumadda ayaa shaacisay in dhimashadu ay gaarayso 96 qof, iyada oo ugu Yaraan 200 oo ruuxna ay ku dhaawacmeen dhacdadaas.
Madaxda Xarumaha Caafimaadka ee dalka Turkiga ayaa sheegay in dhimashadu ay sii kordhi karto Maalmaha soo socda, maadaama ay dhaawacyada qaarkood ay Daranyihiin.
Qaraxyada ayaa ka dhacay meel u dhow albaabka weyn ee goob ay tareenadu istaagaan oo ku taalla degmada Ulus ee magaalada Ankara.
Sababaha Qaraxyadaas ayaa loo malaynayaa in ay ahayd in la dilo tiro badan oo ka mid ah dadkii sida Nabadda ah u dibadbaxayay.
Meeshii ay weerarada ka dheceen ee Magaalada Caasimadda ah ee Ankara ayaa waxaa daadsanaa dad Maydad ah ku waas oo u muuqday in ay waxyeellada Qaraxyada ay saameeyeen, iyadoo isla goobta ay daadsanaayeen Calanka Jaallaha ah ee uu leeyahay Xisbiga Dimoquraadiga ee Kurdiyiinta ee loo Soo gaabiyo “ HDP”
Mas’uuliyadda weeraradaas shalay dhacay ayaa loo aanaynayaa Ururrada ISIS iyo PKK balse wali macadda cidda sida toos ka ah uga dambaysa qaraxyadaas Qasaaraha gaystay.