Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta waxaa uu dhagax dhigay xarunta laga Hagi doono diyaaradaha maraya hawada Soomaaliya taa soo aan shaqeyneyn muddo labaatan sano ka badan lagana maamulayay dalka Kenya waxaa sidoo kale Ra’iisul wasaaraha uu xarigga ka jaray taawarka cusub ee Garoonka Aadan Cadde oo Dowladda Turkiga ay dhistay.
Wasiirka Gaadiidka iyo saadaasha hawada Soomaaliya mudane Cali Axmed Jaamac Jangali oo hadal kooban ka jeediyay goobta dhagax dhigga laga sameeyay ayaa waxaa uu sheegay in Arrintani ay qayb ka tahay horumarka uu dalkeennu ku Talaabsanayo waxaana uu balan qaaday in xaruntani la dhigi doono qalab casri ah oo loo adeegsan doono maamulka hawada Soomaaliya mid kale oo la mid ahna Dowladda Soomaaliya ay ka hirgalin doonto Magaalada Hargeysa.
Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda mudane Cumar Cabdirashiid ayaa bogaadiyay howsha horumarka leh ee ka socota Garoonka Aadan cadde waxaana uu xusay in guul weyn ay Soomaaliya u tahay in maamulka hawadeeda ay la soo wareegto isagoo uu sheegay in xaruntan oo kale ay Dowladdu ka hirgalineyso Magaalada Hargeysa si markii loo baahdo loo adeegsado.
Maamulka hawada Soomaaliya ayaan Soomaaliya gacanteeda ku jirin tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay bur burtay Dowladdii dhexe ee dalku lahaa 1991 dii mudadaas wixii ka dambeeyana waxaa gacanta ku hayay Qaramada Midoobay oo magaalada Nairobi ayaa laga maamulayay waana guul Dowladda ay gaartay maadaama Mamulka hawada Soomaaliya hadda laga hagayo dalka.