Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartan Sport oo lagu xusayay maalinta calanka oo lagu qabtay Koonfur Afrika-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Tartan Sport oo lagu xusayay maalinta calanka oo lagu qabtay Koonfur Afrika-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ayadoo loo dabaal dagayo maalinta la sameeyay calanka Soomaaliya sanadkii 1954 tii oo ay kasoo wareegtay 61 sano, waxaa si isku mid ah looga dabaal dagayaa qaar ka mid ah gobolada dalka iyo waliba dalalka dibada ah oo ay Soomaalida ku nooshahay.

Soomaalida ku nool gobolka Limpopo ee dalka koofur africa ayaa  ka qeyb qaadanayaan xuska maalinta astaanta calanka Soomaaliya waxaa ay soo agaasimeen tartan sports oo ay soo qaban qaabiyeen bahda sports-ka Soomaalida ee gobolkaasi,tartankaasi waxaa ka qeyb qaadanayay ilaa afar koox oo ka kala dhisan deegaanada gobolkaasi oo Soomaalida ganacsiyada ay ku leedahay.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Afarta koox ee tartanka ka qeybgalayay ayaa halkaasi waxaa ay ku soo bandhigeen cayaar aad ay ula dhaceen bulshadii kala  duwanaa oo kasoo qeyb gashay kuwaas oo ay ku jireen mas’uuliyiinta jaaliyada Soomaalida ee gobolka Limpopo iyo kan degmada marti galisay ee lagu magacaabo Thohoyandou ayada oo sido kale ay goobta joogeen mas’uuliyiin ka socday jaaliyada Soomaalida ee magaalada Cape town.

Ismaaciil Cabdi Calasow “Ismaaciil Burjito” oo ah gudoomiyaha sports-ka deegaanka Thohoyandou oo koobkaan soo agaasimay ayaa warbaahinta qaranka u sharaxaya ujeedada ay usoo agaasimeen tartankaan.

“Barnaamijkaan ujeedkiisu waxaa uu ahaa tartan aan ku maamuuseynay maalinta la sameeyay calanka Soomaaliya 1954-tii waxaana kasoo qeybgalay ilaa afar kooxood sanadkii na bishaan oo kale ayaan qabanaa” ayuu yiri Ismaaciil Burjito.

Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee gobolka Limpopo Daahir Xasan Hilowle oo goobta kula hadlay warbahinta qaranka ayaa u mahad celiyay jaaliyada degmada Thohoyandou oo xil iska saartay marti galinta barnaamijkaan waxaana uu sheegay in tartankaan u qeyb ka yahay is dhaxgalka bulshada gaar ahaan dhalinyarada Soomaalida ee ka xamaasha deegaanada gobolka Lippopo.

“Waxaan u mahad celinaa shacabka Soomaalida ee ku nool xaafada Thohoyandou oo xil iska saaray qabashada koobaan muhimada waxaa ay tahay oo kale is dhaxgalka dhalinyarada waad u jeedaan dhalinyarada meelo kala duwan ayey ka yimaadeen ayaga oo soo xeray ganacsigooda.” Ayuu sheegay Hilowle.

Cayaarta ayaa kusoo idlaatay jawi aad u wanaagsan waxaana guusha tartanka ay raacday naadiga Thohoyandou.

IMG_0003 IMG_0009 IMG_0016 IMG_0020 IMG_0031 IMG_0038 IMG_0061 IMG_0076 IMG_0083 IMG_0098 IMG_0134 IMG_9877

 

Previous Post

Ciidamada XDS oo gacanta ku soo dhigay horjooge ka tirsan Shabaab

Next Post

Wasiirka warfaafinta oo ka hambalyay munaasabadda maalinta calanka

Next Post
Wasiirka warfaafinta oo ka hambalyay munaasabadda maalinta calanka

Wasiirka warfaafinta oo ka hambalyay munaasabadda maalinta calanka

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In