Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare ku xigeenka oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladda xuquuqul insaanka dalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
R/wasaare ku xigeenka oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladda xuquuqul insaanka dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

R/wasaare ku xigeenka dalka ayaa maanta furay kulan looga hadlayay xaaladda xuquuqul Insaanka dalkeenna, kaasoo lagu qabtay Muqdisho.

Shirkan uu maanta furay R/wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte Ayaa waxaa Ka qayb galay wasiirro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin wasiirka Caddaalada, wasiirka haweenka, wasiirka amniga Qaranka,  xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Q.M. iyo mas’uuliyiin kale oo ay ka mid yihiin wasiirro ka socday maamul goboleedyada dalka.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinta xiliyeysan ee xaquuqda Aadanaha Soomaaliya taas oo Afartii sanaba mar loo gudbiyo,  gudiga xaquuqda Aadanaha ee Q.M. waana warbixin ay diyaarinteeda ka wada qayb qaateen hay’adaha kala duwan ee dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada, iyadoo wasaaradda haweenka iyo xaquuqda aadanahana ay hormuud u tahay .

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr.  Axmed Cali Daahir oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay horumar ka sameysay ilaalinta xaquuqda Aadanaha,  isaga oo xusay in uusan jirin maanta dalka qof sabab la’aan xoriyadda looga qaadi karo.

Wasiirka amniga gudaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in wasaaradda amniga ay door weyn ka qaadatay ilaalinta xaquuqda aadanaha, isla markaana ay wasaaradda haweenka gacan ku siisay diyaarinta warbixintan ka hadleysa xaquuqda aadanaha.

Ku xigeenka Ergayga Q.M. u qaabilsan Soomaaliya   RaisedonSenenga  ayaa ku amaanay dowladda Soomaaliya sida ay iskugu howshay wax ka qabashada falalka ka dhanka ah xaquuqda Aadanaha iyo diyaarinta warbixintan, wuxuuna balan qaaday in  Q.M. ay ku gacan siin doonto.

 Wasiirka wasaaradda haweenka iyo horumarinta xaquuqul insaanka xukuumadda federaalka ah marwo Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa, sharaxday muhiimadda warbixintani u leedahay Soomaaliya iyo heerarkii ay soo martay muddadii diyaarinteedu socotay.

 R/wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka ah mudane Maxamed Cumar Carte oo gaba gabadii ka hadlay shirkaas ayaa waxaa ku amaanay dhinacyadii ka qayb qaatay diyaarinta warbixintaan oo ay ugu horeyso wasaaradda haweenka howsha wanaagsan ee ay qabteen isaga oo balan qaaday in dowladda ay ka shaqeyn doonto in warbixintaas oo diyaarsan ay u gudbiso Q.M.

 

Previous Post

Qodobbada Xalinta Mooshinka 12kii August 2015 Iyo Micnaha Ereyga Qiyaanno Qaran,,,, Akhriso

Next Post

Munaasabad lagu xusayay maalinta Calanka oo lagu qabtay Kuwait “Sawirro”

Next Post
Munaasabad lagu xusayay maalinta Calanka oo lagu qabtay Kuwait “Sawirro”

Munaasabad lagu xusayay maalinta Calanka oo lagu qabtay Kuwait "Sawirro"

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In