Tuesday, July 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudi loo xil saaray ka talo bixinta siyaasadda dhalinyarada qaranka oo kulan yeeshay-Sawirro

caqiil by caqiil
October 14, 2015
in Wararka
0
Gudi loo xil saaray ka talo bixinta siyaasadda dhalinyarada qaranka oo kulan yeeshay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xarunta wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda Soomaaliya waxaa maanta kulan ku yeeshay gudi heer wasiir ah oo loo xilsaaray ka soo talo bixinta dejinta siyaasada dhalinyarada qaranka, gudigaasi oo uu gudoomiye u yahay wasiirka dhalinyarada iyo Sports ka  Maxamed Cabdulaahi Xasan Nuux.

Kulanka ayaa wasaaradda dhalinyaradu waxaa ay Ku soo bandhigtay document  muujinaya qorshaha wasaarada ee horumarinta dhalinyarada iyo dejinta siyaasada dhalinyarada.

Related posts

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

June 30, 2025
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

June 30, 2025

Wasiirada ka qayb galay kulankaas ayaa waxaa ka mid ahaaa wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta,wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha,wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska,Wasiirka Amniga gudaha,Wasiirka Caafimaadka,wasiirka Haweenka iyo xaquuqda Aadanaha,Wasiirka Kalluumeysiga,Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada,Wasiirka Xanaanada xoolaha iyo wasiiru dowlaha Amniga,Wasiiradaasi dhamaan waxaa ay soo bandhigeen qaabka ugu haboon ee dhalinyarada loogu hagi lahaa siyaasada hufan.

Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha mudane Maxamed Cabdulaahi Xasan Nuux ayaa sheegay in kulankan uu ahaa mid muhiim u ah dejinta siyaasadda dhalinyarada qaranka taas oo wasaaraddu ay muddoyinkan dambe ku howlaneyd.

Dhinaca kale wasiir Nuux waxaa uu kulan kula qaatay xarunta wasaarada qaar ka mid ah ururada dhalinyarada dalka oo uu kala hadlay sidii ay uga qayb qadan lahaayeen dejinta siyaasada dhalinyarada iyo sidoo kale in ay iska diiwaan galiyaan wasaaradda isla markaana ay wasaaradda ugu gacansiin lahaayeen arintaas mar kale wasiirka ayaa ka hadlay.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa khamiistii la soo dhaafay waxaa uu magacaabay gudi 10 wasiir ka kooban oo uu u xilsaaray in ay ka soo talo bixiyaan sameynta siyaasada dhalinyarada, dhalinta ayaana ah tirada ugu badan bulshada Soomaaliyeed in siyaasad loo sameeyo ayaana ah talaabo kale oo dhanka  wanaagga  loo qaaday.

DSC07417 DSC07420 DSC07429 DSC07432 DSC07435 DSC07452 DSC07454 DSC07462 DSC07463 DSC07466 DSC07503

Sawir Qaade: Farxaan Saleebaan Daahir

Previous Post

R/wasaaraha oo soo xiray shir looga hadlayay arrimaha dastuurka “Sawirro”

Next Post

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kormeerey qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho-Sawirro

Next Post
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kormeerey qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho-Sawirro

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kormeerey qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho-Sawirro

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

June 30, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay Meertada 7aad ee...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

June 30, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Guddiga...

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

June 30, 2025
0

Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka u magacaabey Mudane Wali...

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

June 30, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In