Dowladda Hungary ayaa muddo bil ah kaddib markii ay xanibtay Muhaajiriinta kaga soo gudbaya xuduudda waddanka Serbia uu la wadaago , ayaa Hungary waxaa ay sidaasi oo kale ku sameysay xuduudda ay la wadaagto waddanka Croatia.
Saqdii Dhexe ee Xalay ayaa dad gaarayay Shan illaa iyo sideed kun oo Ruux waxaa loo ogolaa inay ka soo gudbaan Xuduudda uu la wadaago Hungary dalka Croatia, Dadka soo gudbayay xalay ayaa ahaa kuwo la diiwaan galinayay si ay ugu sii gudbaan Xuduudda Dalka Austria.
Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Croatia ayaa ku dhawaaqay in kumanaan qof ay ilaa iyo iminka ku socdaalayaan Gudaha waddamada Balkans-ka, iyaga oo la geyn Doono xuduudda waddanka Slovenia.
Madaxda Sare ee Dowladda Hungary ayaa ku adkeysanaya in ay difaaceyso xuduudaha Yurub, iyaga oo hor istaagaya muhaajiriinta doonaya inay galaan Yurubta kale.
Go’aanka dalka Croatia uu ka qaatay soo gudbinta Muhaajiriinta ayaa ah mid Dhabar jabinaya hadalka Dowladda Hungary.