Sunday, April 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Imaaraadka oo Soomaaliya ka caawineyso bixinta mushaarka ciidanka Xoogga dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Xuska 55 guurada ciidanka Xoogga Dalka oo ka socoto Muqdisho iyo gobollada dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa maanta wada saxiixday heshiis ku saabsan bixinta qeyb ka mid ah mushaaraadka Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, kadib munaasabad lagu qabtay Muqdisho.

Heshiiska ayaa waxaa dhinaca dowladda si wada jir ah u saxiisay Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Fargeeti iyo Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cali Baashi Maxamed, halka dhanka dowladda Imaaraadka uu u saxiixay safiirka Dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cusmaan, kaasi oo la xiriiro in Imaaraadka ay Soomaaliya ka caawineyso qeyb ka mid ah mushaarka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Related posts

Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsan ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista wakiil diblomaasiyadeed ee waxa loogu yeero “Somaliland”

Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsan ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista wakiil diblomaasiyadeed ee waxa loogu yeero “Somaliland”

April 19, 2026
Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta oo si rasmi ah xilka ula wareegay

April 19, 2026

Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Somaaliyeed  Jeneraal Cali Baashi Maxamed  ayaa u mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Carabta  bixinta qeyb ka mid ah  mushaaraadka ciidanka xoogga dalka.

“Waxaa farxad weyn noo ah in aan maanta u fadhino helidda mushaaraadka ciidanka qeyb ka mid ah, ujeedkeena waxa ay tahay in la helo waqti go’an oo la bixiyo mushaaraadka ciidanka, Imaaraadkuna way ku mahadsantahay sida ay inooga caawineyso” ayuu yiri Abaanduulaha.

Safiirka Dowladda Imaaradka Carabta  Maxamed Axmed Cusmaan Al-Xamadi ayaa tilmaamay in ay diyaar u yahiin in dowladda Soomaaliya ay ka caawiyaan  bixinta qeyb ka mid ah mushaaraadka XDS, si ay u xoojiyaan howlgallada ay dalka kaga xoreynayaan argagixisada Al-Shabaab.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxameed Aadan Fargeeti ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay ciidanka u heli doonaan si joogto ah mushaaradkooda.

“Maanta waa maalin muhiim noo ah, in muddo ah waxaa laga hadlayay soo daahista mushaaraadka ciidamada, waxaan xal u raadineynay mushaaraadka soo daaha ee ciidanka, marka dowlada Imaaraadka waxa ay naga balan qaaday bixinta qeybo ka mid ah mushaaraadka ciidanka, hada wixii ka dambeeyana si joogta ah ayaa loo bixin doonaa Insha Allah” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Wasiirka ayaa xusay in Xukuumadda ay ahmiyad gaar ah siineyso amniga.

Previous Post

Todobaadka wacyi gelinta Waxbarashada oo lagu soo gabo gabeeyay Koonfur Afrika “SAWIRRO”

Next Post

Midowga saxafiyiinta Soomaaliyeed ee dalka Sudan oo soo dhoweyn u sameeyay wefdiga agaasimaha-Sawirro

Next Post
Midowga saxafiyiinta Soomaaliyeed ee dalka Sudan oo soo dhoweyn u sameeyay wefdiga agaasimaha-Sawirro

Midowga saxafiyiinta Soomaaliyeed ee dalka Sudan oo soo dhoweyn u sameeyay wefdiga agaasimaha-Sawirro

Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsan ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista wakiil diblomaasiyadeed ee waxa loogu yeero “Somaliland”

Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsan ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista wakiil diblomaasiyadeed ee waxa loogu yeero “Somaliland”

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dowladda Qatar, Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Jamhuuriyadda Suudaan, Dowladda...

Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta oo si rasmi ah xilka ula wareegay

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS, Mudane Ismaaciil Ciid Maxamed ayaa maanta si...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

April 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay'adda Socdaalka iyo...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

April 18, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabaneysa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In