Madaxweynaha Dawladda goboleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo oo ka soo dhoofay garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo ayaa soo gaaray Muqdisho, si uu uga qeyb-galo shir looga hadlayo hanaanka doorashooyinka 2016-ka.
Wefdiga Dr Cabdiweli oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah, waxaana lagu wadaa in ay ka qeyb galaan shir beri ka furmaya Muqdisho .
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in shirka ay Puntland ka soo jeedinayso markale aragtideeda ku aadan doorashada 2016 , mowqifka Puntland uu yahay mid cad oo dani ugu jirto guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.
19-September ee sanadkaan ayey ahayd markii uu Dr Cabdiweli iyo Wefdi balaaran oo uu hogaaminayey Muqdisho uga qeyb-galeen shir gogol xaar u ahaa shirka lagu wado in Muqdisho uu ka furmo.
-DHAMMAAD-