Sunday, September 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada oo magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadda iyo Roobabka “Akhriso+Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
October 22, 2015
in Wararka
0
Golaha Wasiirada oo magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadda iyo Roobabka “Akhriso+Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Duqa Muqdisho oo maanta xarig-jaray wadada isku xirta degmooyinka Xamarjajab iyo Waaberi

Duqa Muqdisho oo maanta xarig-jaray wadada isku xirta degmooyinka Xamarjajab iyo Waaberi

September 7, 2025
Madaxweynaha JFS oo guddoomiye cusub u soo magacaabay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo guddoomiye cusub u soo magacaabay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

September 7, 2025

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna ku simaha R/wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carteh, iyadoo kulankan looga hadlayay qodobo ay ka mid ahaayeen Xeer Nidaamiyaha Maamulka lacagta ee Ciidanka Xoogga dalka, warbixin la xiriirta Fatahaadaha iyo roobabka “EL ÑINO”.

Ugu horeynta golaha ayaa waxa ay ka hadleen Fatahaadaha iyo Qataraha ay keeni karto “EL ÑINO”, waxaana kulanka golaha sharaxaad ka bixiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), waxa uuna xusay in Fatahaadani ay saameyn ku yeelan doonto qeybo badan oo dalka ka mid ah, sida dhulka ay maraan webiyada Shabelle iyo Jubba, gaar ahaana gobolada Sh/dhexe, Sh/hoose, Gedo, J/dhexe iyo J/hoose.

Golaha Wasiirada ayaa ugu dambeyntii isla qaatay in la dhiso guddi heer Wasiir ah, kaasoo howshiisu noqon doonto xiriirinta dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo hay’addaha caalamiga ah, waxaana Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mudane Maxamed Cumar uu xusay in arrintani ay tahay musiibo ku soo wajahan dalka, loona baahan yahay inay xil iska saaraan dhamaamba qeybaha kala duwan ee dadka Soomaaliyeed, gudaha iyo dibedda, ayna gacan xukuumada gacan ku siiyaan sidii loo yareyn lahaa dhibaatooyinka ka dhalan kara.

“Waxa ay mareysaa Yaa maali jirayeey, dhibaatada soo fooleh waa mid baaxad weyn, waxaana ugu baaqayaa dhamaamba dadka Soomaaliyeed ee wax heysta, hay’addaha gargaarku inay u diyaar garoobaan badbaadinta dadka iyo duunyadaba” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh, isaga oo si gaar ahna u xusay in cid kasta oo gargaar u fidineysa dadkaasi, loo baahan yahay inay la kaashadaan guddigan si loo helo taakuleyn muuqata.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa golaha Wasiirada u soo gudbiyay Xeer Nidaamiyaha Maamulka Lacagta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Iyadoo lagama maarmaan ay noqotay in dib u habeyn lagu sameeyo qaabka loo maamulo miisaaniyadda loo qoondeeyo ciidanka X.D.S, ayaa Wasiirka Gaashiggu soo gudbiyay Qabyo qoraalka Xeer Nidaamiyaha maamulka lacagta ee C.X.D.S, waxaana sharaxaad ka bixiyay taliyaha C.X.D.S. S/G Maxamed Aadan Axmad, isaga oo sheegay in Xeer Nidaamiyaha maamulka lacagta la sameeyey April 12, 1960-kii, iyada oo dib u habeyn lagu sameeyey mar labaad 1977-dii, waxana uu xusay in hadii la dhaqangeliyo Nidaamkani uu yahay mid hufan oo horseedi kara isbedel iyo la xisaabtan dhab ah.

Golaha Wasiirada ayaa loo qeybiyay nuqulka Xeer Nidaamiyaha maamulka lacagta, waxaana dib looga doodi doonaa kulanka dambe ee golaha Wasiirada, si go’aan looga gaaro.

unnamed (4)

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed

Previous Post

Shir-weynihii looga hadlayay isbedelka cimilada iyo masiibooyinka oo lagu soo geba gebeeyay Muqdisho “Sawirro”

Next Post

Wasaaradda Maaliyadda oo joojisay canshuurtii 20-ka doolar ahayd ee laga qaadi jiray Ganacsatada

Next Post

Wasaaradda Maaliyadda oo joojisay canshuurtii 20-ka doolar ahayd ee laga qaadi jiray Ganacsatada

Duqa Muqdisho oo maanta xarig-jaray wadada isku xirta degmooyinka Xamarjajab iyo Waaberi

Duqa Muqdisho oo maanta xarig-jaray wadada isku xirta degmooyinka Xamarjajab iyo Waaberi

September 7, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xarigga ka jaray wadada...

Madaxweynaha JFS oo guddoomiye cusub u soo magacaabay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo guddoomiye cusub u soo magacaabay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

September 7, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah oo dhaqangal ah ugu magacaabay...

Dowladaha Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaalaha ee labada dal

Dowladaha Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaalaha ee labada dal

September 7, 2025
0

RADIO MUQDISHO(ALGERIA): Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood, ayaa kulan kula yeeshay Wasiirka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarig jaray garoonka diyaaradaha cusub degmada Buurhakaba

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarig jaray garoonka diyaaradaha cusub degmada Buurhakaba

September 7, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BUURHAKABA): Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In