Munaasabad Tababar loogu soo xirayay Ciidamada Booliska Puntland ayaa waxa ay ka dhacday xerada Tababarka Ciidanka Abqaale ee Gobolka Mudug.
Munaasabadda waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntiland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Wasiir Amniga Puntilan, Taliyaha Ciidanka Boliiska, Maamulka Gobolka Mudug saraakiil Iyo Mas’uuliyiin kale.
Taliyaha Ciidanka Boliiska Puntiland Cabdirisaaq Afgariid ayaa bogaadiyay Ciidamada Tababarka loo soo xiray, isagoo ammaan u soo jeediyay Ciidamada Booliska sida ay u wadaa howshooda.
Wasiirka Amniga Puntilan Cabdi Xersi Cali Qarjaf ayaa sheegay in loo baahan yahay qof kasta in loo sameeyo Cadaalad Isla markaana cidwalba Shaqadeeda lagu Ixtiraamo laguna Xaqdhowro.
Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntiland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay jirto kalsooni ka wayn tii hore oo ay ku qaban ciidamada Boliiska Puntiland isagoo tilmaamay in dowladnimadu ay tahay tayada iyo shawqada Ciidamada Boliiska.