Wednesday, July 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayo Horumarinta Waxbarashada Soomaaliya oo ka Dhicidoona Kuwait

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayo Horumarinta Waxbarashada Soomaaliya oo ka Dhicidoona Kuwait
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiin ka socday Ururka waxbarashada islaamka oo maalmahan ku sugnaa Magaalada Muqdisho iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullahi Bile Nuur ayaa maanta siwadajir ah ugu dhawaaqay inay meel gabagaba ah ay mareyso Qabanqaabada Shirweyne dhaqaale loogu Uruurinayo waxbarashada Soomaaliya oo dhawaan ka dhici doona Dalka Kuwait.

Prof Khaanim Al-Najaar oo ah lataliyaha Ururka Waxbarashada Islaamka ee Arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in safarka ay ku yimaadeen Magaalada Muqdisho ujeedkiisu uu ahaa in Madaxda Dalka ugu sareysa iyo Wasaaradda waxbarashada ay Wadatashi kala sameeyeen Ajandayaasha Somaaliya ay la tagi doonto Shirka ka dhacaya Kuwait ee looga hadlayo Waxbarshada Soomaaliya.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

July 14, 2026
Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

July 14, 2026

Wakiilka Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Ururka waxbarashada islaamka iyo ururka Waxbarshada Carabta Cisaam Xuseen Jaamac ayaa sheegay in ujeedka shirka ka dhacaya Kuwait uu yahay in la horumariyo adeegyada waxbarashada dalka, isagoo uga mahadceliyay Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare sida ay u taageertay qabashada shirkaasi.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullahi Bile Nuur ayaa u mahadceliyay Ururada waxbarashada islaamka iyo kan Carabta oo iska kaashanaya qabashada Shirka dhaqaalaha loogu Uruurinayo Horumarinta waxbarashada Soomaaliya iyo Dowladda Kuwait oo martigalineysa shirka, wuxuuna rajo wanaagsna ka muujiyay waxyaabaha Shirkaasi kasoo bixi doona .

Shirkan la filayo in dhawaan lagu qabto Dalka Kuwait ee dhaqaalaha loogu uruuriayo Horumarinta Waxbarshada Soomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ay waddo dadaallo kor loogu qaadayo Tayada Waxbarashada Aasaasiga ah iyo tan sare ee dalka.

Previous Post

Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka dalka oo gaaray Baladweyn “Sawirro”

Next Post

Dar-dar Gelinta Bilicda Caasimadda oo laga hadlay

Next Post

Dar-dar Gelinta Bilicda Caasimadda oo laga hadlay

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

July 14, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya (Somalia Development...

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa uga mahadceliyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe), oo ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

Minister of Foreign Affairs Pays Condolence Visit to the Embassy of Qatar

July 14, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, paid a condolence visit to the Embassy of the State...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqasho tacsi ah ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In