Friday, August 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha cusub ee gobolka banaadir oo kormeeray aqalka dowladda Hoose “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha cusub ee gobolka banaadir oo kormeeray aqalka dowladda Hoose “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay xafiisyada aqalka dowaldda Hoose ee Xamar, halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” gwaxaana sidoo kale lagu soo wareeyay xaruntii hore ee gobalka banaadir ee Degmada Heliwaa, xarunta Tababarada Dowlada hoose Xamar ee degmada Boondheere iyo meelo kale.

Inta ay mas’uuliyiintan kormeerka ku jireen waxey soo dhaweyn balaaran ay kala kulmayeen maamulada degmooyinka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, iyagoo muujinayey dareenkooda farxadeed ee ku aadan booqashada mas’uuliyinta.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

Ujeedka kormeeerka ayaa ahaa sidii Guddoomiyaha Cusub ee maamulka Gobalka Banaadir uu ugu kuur geli lahaa shaqooyinka kala duwan ay qabtaan maamulka iyo howl wadeenada Gobalka iyo sida looga shaqeeyo xarumaha ay ku howlgalaan, isagoo bogaadiyay howlaha ay bulshada u hayaan.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane oo kormeerka kadib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in guddoomiyaha Gobolka uu maanta kormeer howleed ku tegay xarunta dowladda Hoose iyo goobo kale, oo u jeedku ahaa u kuul gelidda xaaladaha ay ku shaqeeyaan howl wadeenada Gobolka.

Maalinta Isniinta ah ee fooda nagu soo heysa ayaa lagu wadaa in Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ay ka dhacdo munaasabad uu xilka kula wareegayo guddoomiyaha cusub ee maamulka Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

IMG_0162 IMG_0165 IMG_0177 IMG_0187 IMG_0207 IMG_0213 IMG_0233 IMG_0267 IMG_0284 IMG_0346

 Sawir Qaade:- Jabiiba

Previous Post

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo lagu soo dhaweeyay Caabudwaaq “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In