Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Xilka La Wareegay “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Xilka La Wareegay “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa munaasabad ka dhacday aqalka Dowladda hoose ee Xamar xilka kula wareegay xilka Guddoomiyenimo ee dhawaan loo magacaabay.

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

Munaasabada oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka mid ah wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya,xildhibaanno,guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir,iyo qeybaha kale duwan ee bulshada gobolka Banaadir.

Munaasabada intii ay socotay ayaa waxaa looga hadlay waxqabadka Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Gen Xasan Maxamed Xuseen Muungaab iyo soo dhoweynta Guddoomiyaha cusub, oo lagula dar daarmay inuu xoogga saaro howlaha hor-yaala Maamulka Gobolka Banaadir.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa ku ammaanay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir waxqabadka uu muujiyay mudadii uu xilka hayay, isagoo guddoomiyaha cusub ugu baaqay in isagana uu la yimaado waxqabada balaaran iyo howlkarnimo.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ka hadlay waxaabihii u qabsoomay maamulkiisa, isagoo ku wareejiyay Guddoomiyaha cusub, lacag Bankiga Dhexe ku jirta, gaar ahaan Akoonka Gobolka, waxaana uu u mahadceliyay dadkii la soo shaqeeyay

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa balan qaaday in uu la imaan doono waxqabad balaaran oo dhinac waliba leh uuna ka shaqeyn doono sidii loo horumarin lahaa shaqada socota.

Ugu dambeyn Guddoomiyihii hore iyo Guddoomiyaha cusub ayaa kala saxiixday Ducoment-yo muujinaya xil wareejinta, waxaana goob joog ka ahaa saxiixa Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

xil-warejin-1 xil-warejin-2 xil-warejin-3 xil-warejin-4 xil-warejin-5 xil-warejin-6 xil-warejin-7 xil-warejin-8 xil-warejin-9 xil-warejin-10 xil-warejin-11

Previous Post

Madaxweynaha Iyo Mas’uuliyiin kale Oo Salaaddii Janaasada Ku Tukaday Marxuum Dhagabadan+Sawirro

Next Post

Tababar ku saabsan ilaalinta Caafimaadka Bulshada oo lagu qabtay Ceelguula “Sawirro”

Next Post
Tababar ku saabsan ilaalinta Caafimaadka Bulshada oo lagu qabtay  Ceelguula “Sawirro”

Tababar ku saabsan ilaalinta Caafimaadka Bulshada oo lagu qabtay Ceelguula “Sawirro”

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In