Monday, May 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Xilka La Wareegay “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Xilka La Wareegay “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa munaasabad ka dhacday aqalka Dowladda hoose ee Xamar xilka kula wareegay xilka Guddoomiyenimo ee dhawaan loo magacaabay.

Related posts

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

May 11, 2026

Munaasabada oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka mid ah wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya,xildhibaanno,guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir,iyo qeybaha kale duwan ee bulshada gobolka Banaadir.

Munaasabada intii ay socotay ayaa waxaa looga hadlay waxqabadka Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Gen Xasan Maxamed Xuseen Muungaab iyo soo dhoweynta Guddoomiyaha cusub, oo lagula dar daarmay inuu xoogga saaro howlaha hor-yaala Maamulka Gobolka Banaadir.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa ku ammaanay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir waxqabadka uu muujiyay mudadii uu xilka hayay, isagoo guddoomiyaha cusub ugu baaqay in isagana uu la yimaado waxqabada balaaran iyo howlkarnimo.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ka hadlay waxaabihii u qabsoomay maamulkiisa, isagoo ku wareejiyay Guddoomiyaha cusub, lacag Bankiga Dhexe ku jirta, gaar ahaan Akoonka Gobolka, waxaana uu u mahadceliyay dadkii la soo shaqeeyay

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa balan qaaday in uu la imaan doono waxqabad balaaran oo dhinac waliba leh uuna ka shaqeyn doono sidii loo horumarin lahaa shaqada socota.

Ugu dambeyn Guddoomiyihii hore iyo Guddoomiyaha cusub ayaa kala saxiixday Ducoment-yo muujinaya xil wareejinta, waxaana goob joog ka ahaa saxiixa Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

xil-warejin-1 xil-warejin-2 xil-warejin-3 xil-warejin-4 xil-warejin-5 xil-warejin-6 xil-warejin-7 xil-warejin-8 xil-warejin-9 xil-warejin-10 xil-warejin-11

Previous Post

Madaxweynaha Iyo Mas’uuliyiin kale Oo Salaaddii Janaasada Ku Tukaday Marxuum Dhagabadan+Sawirro

Next Post

Tababar ku saabsan ilaalinta Caafimaadka Bulshada oo lagu qabtay Ceelguula “Sawirro”

Next Post
Tababar ku saabsan ilaalinta Caafimaadka Bulshada oo lagu qabtay  Ceelguula “Sawirro”

Tababar ku saabsan ilaalinta Caafimaadka Bulshada oo lagu qabtay Ceelguula “Sawirro”

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
0

Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026---Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay wejiga koowaad ee barnaamij...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

May 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Biljimka ayaa ku baaqday midnimo iyo in shacabka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb...

Shacabka Muqdisho oo bannaanbax lagu taageerayo horumarka Caasimadda isugu soo baxay

Shacabka Muqdisho oo bannaanbax lagu taageerayo horumarka Caasimadda isugu soo baxay

May 11, 2026
0

Qaar ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa saaka isugu soo baxay bannaanbax ay ku muujinayeen taageeradooda Dowladda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

May 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In