Danjiraha Soomaaliyeed ee dalka Indonesia Cabdi xakiim Cali Yasin layaa kulan a yeeshay Wasiirka Ku-Xigeenka Arrimaha dibedda ee Indonesia Abdurraxmaan Fachir wuxuuna kala hadlay xiriirka labada wadan iyo sidii loo sii xoojin lahaa wax wada qabsiga labada shacab iyo dalba.
Kulanka oo si aad ah loogu lafa guray fursadaha jira ee laga fa’íideysan karo ayuu Wasiir Ku Xigeenku ballan qaaday in ay dhankoodu xoojin doonaan sidii arrimahaas looga mira dhalin lahaa.
Danjiraha ayaa dhankiisa u sharaxay fursadaha maalgashi ee wadanka ka jira iyo sidii ay dawladda Indonesia gacan uga geysan lahayd maalgashi ay hantiilayaasha Indonesia ku sameystaan Soomaaliya.