Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan kadib markii uu casuumaad ka helay dhiggiisa dalka suudaan.
Sareeyo Gaasย Xaamud ayaa sidoo kale inta uu booqashada ku joogo Khartuum kulamo la qaadan doono masuuliyiinta dowladda Sudaan.
Socdaalka Taliyaha Booliska ayaa la xiriira sidii loo xiijin xiriirka wadashaqeen ee ka dhaxeeya booliska soomaaliya iyo kan suudaan.
Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa muddooyinkan ku howlanaa xoojinta xiriirka booliska Soomaaliyeed kala dhexeeya Booliska Caalamka,iyo sidii dib loogu dhisi lahaa booliska soomaaliyeed.