Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud Wasaaradda Boostada Oo Geneva Kula Kulmay Xubno Ka Tirsan Hey’adda Isgaarsiinta Aduunka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud Wasaaradda Boostada Oo Geneva Kula Kulmay Xubno Ka Tirsan Hey’adda Isgaarsiinta Aduunka

????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Xaaji Cabdi oo ku sugan magaalada Geneva ayaa shir kula yeeshay halkaasi mas’uuliyiinta ugu sareysa hay’adda Isgaarsiinta Adduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano ITU.

Agaasimaha oo la kulmay saddexda qaybood ee ay hay’addani ka koobantahay oo kala ah qaybta Hormarinta, Qaybta Isgaarsiinta iyo Qaybta Hirarka (Radios and Spectrum). Ayaa kala hadlay arrimo kale duwan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

March 7, 2026
Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026

Sidoo kale waxuu agaasimuhu si gooni gooni ah ula kulmay qaybta ITU u qaabilsan qoondeynta iyo shaacinta Lambarada dalka iyo qaybta lacagaha Mobile-ka ( Mobile Money Department).

Agaasimaha Guud ayaa hay’adda warbixin dheer ka siiyey xaaladda wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta iyo guud ahaan Isgaarsiinta dalka  waxaana sidoo kale dhanka ITU ay warbixin buuxda ka siiyeen agaasimaha xaaladda guud ee ay waddamada dagaalada sokeeye ka soo kabta ay umaraan dib usoo celinta sharciga iyo nidaamka Isgaarsiinta.

Haweeneyda lagu magacaabo Jie Zhang oo ah la taliyaha Agaasimaha Guud ee ITU oo kulan dheer la yeelatay agaasimaha ayaa ka warbixisey dhankeeda hawlaha u yaalla wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta sidii ay u hormarin lahaayeen Isgaarsiinta dalka una nidaamin lahaayeen.

Mr Vijay Mauree oo ah madaxa lacagaha Mobile-ka ayaa isaguna agaasimaha warbixin dheer ka siiyay isagoo ka sheekeeyey qaabka ay Soomaaliya u isticmaasho lacagaha Mobile-ka ( Mobile Money) oo hadda istcmaalkiisu ku xiran yahay dhamaan bulshada Soomaaliyeed.

” Hay’adda ITU waxey muddooyinkan dambe waddaa sida ugu wanaagsan ee loo nadaamin lahaa isla markaana siyaasad guud uu caalamku uga yeelan lahaa lacagaha lagu isticmaalo Mobile-ka” ayuu yiri Vijay.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Xaaji Cabdi ayaa ka codsadey hay’adda ITU in dawladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta laga caawiyo sidii ay doorkeeda uga qaadan lahayd kobaca Isgaarsiinta dalka kaasi oo maanta meel wanaagsan maraya.

????????????
????????????
????????????
????????????
Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Saxaafadda Iyo Wasiir Odawaa Oo Loo Dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka

Next Post
Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Saxaafadda Iyo Wasiir Odawaa Oo Loo Dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka

Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Saxaafadda Iyo Wasiir Odawaa Oo Loo Dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ciidanka Qaranka...

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la afuray cutubyo ka tirsan  Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

March 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh ka diray geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In