Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Saxaafadda Iyo Wasiir Odawaa Oo Loo Dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 9, 2015
in Wararka
0
Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Saxaafadda Iyo Wasiir Odawaa Oo Loo Dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bilowga kulankii maanta ayaa waxaa xildhibaanada baarlamaanka hortooda lagu dhaariyay xildhibaan cusub oo ka mid noqonaya baarlamaanka Soomaaliya kaasi oo ah Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa oo bedelay Xildhibaan Abtidoon oo ku geeriyooday weerarkii 1-da bishani ka dhacay Saxafi Hotel ee magaalada Muqdisho.

Dhaarinta kaddib xildhibaanada  waxa ay gudagaleen in ay ka doodaan hindise sharciyeedka saxaafada Qaranka dooda xildhibaanada waxa ay eheyd toosin lagu sameynayo sharcigani inkastoo sharcigani uu yahay mid horey loo soo turxaan bixiyay argatida xildhibaanada ay aad u muujinayeen waxaa ka mid ah adkeynta ganaaxa wariyaha si ay u yaraadaan qaladaadka saxaafadda.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo inta badan uga jawaabayay soo jeedinada xildhibaanada ayaa aad ugu hadlay xuquuqda wariyaha uu siinayo sharcigani.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo goob joog ka ahaa dooda xildhibaanada ee hindise sharciyeedkani ayaa gaba gabadii uga mahadceliyay xildhibaanada sida ay ugu biirinayaan talooyinkooda sharcigani, waxaana Xildhibaanada baarlamaanka uu ka codsaday in la dadajiyo meel marinta sharcigani

.Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Jeylaani Nuur Iikar oo kulanka baarlamaanka ee maanta shir guddoominayay ayaa gaba gabadii tilmaamay in ay soo gaba gabowday dooda baarlamaanka oo ka dhigan in laga gudbay akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka loona gudbayo akhrinta sedexaad, isagoo u hambalyeeyay doorashada guddoomiyaha cusub ee golaha Wakiillada Maamulka Puntland Axmed Cali Xaashi.

Previous Post

Agaasimaha Guud Wasaaradda Boostada Oo Geneva Kula Kulmay Xubno Ka Tirsan Hey’adda Isgaarsiinta Aduunka

Next Post

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Djibouti oo ka wadahadley iskaashiga amniga gobolka, iyo xoojinta xiriirka labada dal “Sawirro”

Next Post
Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Djibouti oo ka wadahadley iskaashiga amniga gobolka, iyo xoojinta xiriirka labada dal “Sawirro”

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Djibouti oo ka wadahadley iskaashiga amniga gobolka, iyo xoojinta xiriirka labada dal “Sawirro”

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In