Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud Wasaaradda Boostada Oo Geneva Kula Kulmay Xubno Ka Tirsan Hey’adda Isgaarsiinta Aduunka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 9, 2015
in Wararka
0
Agaasimaha Guud Wasaaradda Boostada Oo Geneva Kula Kulmay Xubno Ka Tirsan Hey’adda Isgaarsiinta Aduunka

????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Xaaji Cabdi oo ku sugan magaalada Geneva ayaa shir kula yeeshay halkaasi mas’uuliyiinta ugu sareysa hay’adda Isgaarsiinta Adduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano ITU.

Agaasimaha oo la kulmay saddexda qaybood ee ay hay’addani ka koobantahay oo kala ah qaybta Hormarinta, Qaybta Isgaarsiinta iyo Qaybta Hirarka (Radios and Spectrum). Ayaa kala hadlay arrimo kale duwan.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

Sidoo kale waxuu agaasimuhu si gooni gooni ah ula kulmay qaybta ITU u qaabilsan qoondeynta iyo shaacinta Lambarada dalka iyo qaybta lacagaha Mobile-ka ( Mobile Money Department).

Agaasimaha Guud ayaa hay’adda warbixin dheer ka siiyey xaaladda wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta iyo guud ahaan Isgaarsiinta dalka  waxaana sidoo kale dhanka ITU ay warbixin buuxda ka siiyeen agaasimaha xaaladda guud ee ay waddamada dagaalada sokeeye ka soo kabta ay umaraan dib usoo celinta sharciga iyo nidaamka Isgaarsiinta.

Haweeneyda lagu magacaabo Jie Zhang oo ah la taliyaha Agaasimaha Guud ee ITU oo kulan dheer la yeelatay agaasimaha ayaa ka warbixisey dhankeeda hawlaha u yaalla wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta sidii ay u hormarin lahaayeen Isgaarsiinta dalka una nidaamin lahaayeen.

Mr Vijay Mauree oo ah madaxa lacagaha Mobile-ka ayaa isaguna agaasimaha warbixin dheer ka siiyay isagoo ka sheekeeyey qaabka ay Soomaaliya u isticmaasho lacagaha Mobile-ka ( Mobile Money) oo hadda istcmaalkiisu ku xiran yahay dhamaan bulshada Soomaaliyeed.

” Hay’adda ITU waxey muddooyinkan dambe waddaa sida ugu wanaagsan ee loo nadaamin lahaa isla markaana siyaasad guud uu caalamku uga yeelan lahaa lacagaha lagu isticmaalo Mobile-ka” ayuu yiri Vijay.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Xaaji Cabdi ayaa ka codsadey hay’adda ITU in dawladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta laga caawiyo sidii ay doorkeeda uga qaadan lahayd kobaca Isgaarsiinta dalka kaasi oo maanta meel wanaagsan maraya.

????????????
????????????
????????????
????????????
Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Saxaafadda Iyo Wasiir Odawaa Oo Loo Dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka

Next Post
Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Saxaafadda Iyo Wasiir Odawaa Oo Loo Dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka

Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Saxaafadda Iyo Wasiir Odawaa Oo Loo Dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In