Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo Maalmahaanba Booqasho ku joogay Dalka Suudan ayaa si isdaba joog ah ku tagayay Qeybaha kale Duwan ee Xaruumaha Booliska Dalka Suudan ee ku yaala Caasimada Sudan ee Khartuum.
Taliyaha ayaa Booqday Xarunta Xabsi ku yaala Magaalada Hudal islaaxiyaha markii uu Goobtaasi Gaaray ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay heesaha Qiirada leh ee intabadan lagu Gubaabiyo Ciidanka Booliska Dalka Suudan isagoo arkay habka ay u shaqeyso Xaruuntaasi mahad balaarana u jeediyay Madaxweenaha Dowlada Suudan Cumar Xasan al Bashiir iyo Madaxda Ciidanka Qeybihiisa kale Duwan
“Anigoo ku hadlaya Magaca Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya iyo kan Shacabka Soomaaliyeed waxaan rabaa in aan idinkaga Mahadnaqo waxa aan maanta ku arkay Magaaladani iyadoo Dadaalkaasi aan rabo in aan uga Mahadnaqo Madaxweynaha Dalka Suudan Cumar Xasan al Bashiir Wasaaradda Arimaha Gudaha Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Dalka Suudan iyo Hogaanka Magaaladani waxaa laga yaabaa in aan dul istaago meelaha qaar oo Magaladani tilmaamaha u ah waana mid aad u heer sareysa mana fileen in aan arko xaruuntan tilmaamaha noocan oo kale in aan ku arko Wadan dhaca Qaarada Africa.
Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa la Geeyay Xarunta Booliska ay ka Hagaan ama ka Maamulaan Kaamirooyinka ku xiran Wadooyinka Caasimda Dalka Suudan iydoo la tusiyay habka ay u shaqeyso Xaruntaasi waxayna Madaxda Booliska halkaasi ku sugnaa ay hal hal ugu sharaxeen Xaruuntan intaa kadib sidoo kale waxaa la geeyay Taliyaha Qeybta Booliska ee Qaabilsan ka hortaga Rabshadaha lana Tusiyay Gawaarida ay isticmaalan Xiliyada ay howlgalada ka sameenayaan goobaha Rabshadaha ay ka jiraan Taliyaha ayaa ka Mahadceliyay sida ay u siiyeen Madaxda Booliska Warbixin Dhameestiran oo ku adaan waxyaabaha ay qabtaan Booliska Rabshadaha ka hortaga
Markii uu soo Gabagabeeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Soomaaliya Booqashooyinkiisa ku aadanaaa Xaruumaha Booliska ee Dowlada suudan Qeybaheeda kale Duwan ayaa waxaa Hoyga guud ee ay leeyihiin Taliska Booliska Suudan loogu Sameeyay Casho sharaf taa oo uu Agaasinkeeda lahaa Dhigiisa Suudan Haashim Cismaan al Xuseen iyadoo Cashadaasi sidoo kale goob joog ay ahaayeen Dhamaan Hogaanka sare ee Ciidanka Booliska Dalka Suudan.