Golaha Ammaanka Q.M. oo meelmariyay dhismaha maxkamad la soo taago burcad-badeedda Soomaalida.
Sidda uu qoray Wargeyska Daily Naition ee ka soo baxa waddanka Kenya, gollaha ammaanka Q.M. ayaa meel mariyay qorshe lagu dhisaayo maxkamad gaar u ah kooxaha burcad-badeedda Soomaalida.
Kulankan ayaa la iskula afgartay in maxkamadan laga hirgaliyo qaar ka mid ah waddamada dariska la ah Soomaalida sidda Kenya iyo Seychelles.
Labo sanno ka hor ayaa la soo jeediyay in la sameeyo maxkamad gaar u ah kooxaha burcad-badeedda Soomaalida, kuwaas oo maraakiibta ganacsiga iyo kuwa ay la socdaan dalxiiyaasha ka qafaasha xeebaha u dhow Soomaaliya iyo gacanka Cadan.
Qaraarka ka soo baxay golaha ammaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay sii socon doonaan howlgallada ay wadaan ciidamada la dagaallama burcad-badeedda ee Midowga Yurub iyo Nato.
Howgalka la dagaallanka burcad-badeeda Soomaalida ayaa sheegaya in uu yaraaday weerarrada kooxaha burcad-badeedda sannadihii la soo dhaafay tan iyo sannadkii 2009-ka xilligaas oo ay dhaceen 160 weerar.
Sannaddii 2009-ka ayaa burcad-badeedda Soomaalida waxay geeysteen 46 weerrar, laakin tan iyo sannadkii 20014-ka wax weerar ah ma dhicin.