Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Adem Axmedย iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo si wanaagsan ay ugu soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka. Wuxuna taliyuhu salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan Ciidankii soo dhaweeyey. Waxaana arrimaha ay magaaladaasi u tageen qeyb ka ah horumarinta ciidamada Xoogga dalka iyo dar dar galinta ciribtirka kooxaha argagaxisada ee Al-shabaab.
S/G Maxamed Adem ayaa kormeer ku sameeyey gaadiid cusub oo dhawaan loo keenay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee qeybta 43-aad. Wuxuna Taliyuhu sheegay in Gaadiidkan ay qayb ka qaadan doonaan horumarinta dhismaha Ciidamadda Xoogga dalka. Isagooma ku boggaadiyey saraakiisha hoggaaminaysa Ciidanka sida ay uga goโan tahay in la dhiso Ciidan Qaran oo Soomaali oo dhan ka kooban.