Wednesday, May 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirweynaha Qaran ee Warbaahinta oo Muqdisho ka furmay-SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa barqadii maanta si rasmi ah uga furmay shirweynaha qaran ee horumarinta saxaafadda Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb galayaan  wasiirrada warfaafinta dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Shirka waxaa furay wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo sheegay in ujeeddada shirku tahay :

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

May 19, 2026
Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

May 19, 2026
  • in ay fursad isu helaan wasaaradaha warfaafinta dowladda dhexe iyo wasaaradaha warfaafinta dowladaha xubnaha ka ah, si ay isaga xaaladda warbaahinta dalka iyo sida loo horumarin karo.
  • In warbaahinta madaxa bannaan fursad isu hesho si ay u sameystaan siyaasad la xiriirta habka ay bulshada soomaaliyeed farriin sax ah u gaarsiin lahaayeen
  • In aan fursad u helno hay’adaha taageera warbaahitna Soomaaliya, si ay u ogaadaan baahida dhabta ah ee ay qabaan warbaahinta Soomaaliiyeed, lana nidaamiyo caawimaadda ay siiyaan warbaahinta Soomaaliyeed.

Wasiir Maareeye, ayaa  sheegay in uu rajo aad u wanaagsan ka qabo in natiijo aad u wanaagsani ay ka soo baxdo shirka oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay dowladda iyo dowladaha federaalka xubanaha ka ahi isugu yimaadaan.

“ Natiijada shirka laga sugayaa waa in isbaddel weyn dhaco omarka uu dhammaado, oo saddexda qeybood ay sameystaan qorshe mideysan oo daweynaya baahida warbaahineed bulshada” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Wasiirrada warfaafinta ee dowlad-goboleedyada Jubaland,Koofur Galbeed iyo Galmudug oo hadallo ka jeediyay shirka ayaa iyaguna soo dhoweeyay qabsoomidda shirkan , iyagoo wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka uga mahad celiyay qaban qaabadiisa, waxa ayna wasiirradu ballan qaadeen in ay rajeynayaan in ay ka soo baxaan natiijooyin gacan ka geysanaya horumarinta warbaahinta Soomaaliyeed iyo iskaashigeeda.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland oo ka wakiil ah wasiirka warfaafinta Puntland ayaa isaguna muujiyay sida Puntland u taageersan tahay shirkan oo uu ku tilmaamay mid macne weyn ku fadhiya.

Shirkan oo socon doona muddo labo maalmood ah,waxaa ka qeyb gelaya wakiillo ka socda qeybaha kala duwan ee warbaahinta madaxa bannnaan  iyo hay’adaha warbaahinta taageera eek a howl gala Soomaaliya.

IMG_0472 IMG_0476 IMG_0494 IMG_0450 IMG_0498 IMG_0500 IMG_0453 IMG_0496 IMG_0459 IMG_0485 IMG_0447 IMG_0489 IMG_0502 IMG_0415 IMG_0506 IMG_0413 IMG_0424 IMG_0418 IMG_0419 IMG_0428 IMG_0437 IMG_0430

Previous Post

Soomaaliya iyo Ethiopia Maxaa kala haysta Arbacada Ciyaar ka tirsan Koobka Bariga iyo Bartamaha Africa?

Next Post

Maamulka Degmada Hiliwaa Oo Dayactir Ka Bilaabay Wadada Isku Xirta Isgoyska Sos Iyo Waxarcade

Next Post
Maamulka Degmada Hiliwaa Oo Dayactir Ka Bilaabay Wadada Isku Xirta Isgoyska Sos Iyo Waxarcade

Maamulka Degmada Hiliwaa Oo Dayactir Ka Bilaabay Wadada Isku Xirta Isgoyska Sos Iyo Waxarcade

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

May 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Buurhakabo...

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

May 19, 2026
0

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa maanta degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir kulan...

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka Isku Aadka Qaramada Afrika loo qori tuuray

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka Isku Aadka Qaramada Afrika loo qori tuuray

May 19, 2026
0

Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ayaa shaaciyay isku aadka isreeb-reebka heerka Groupyada ee tartanka Qaramada Afrika ee 2027, iyadoo munaasabad weyn...

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka XDS oo guddoomiyay kulan amniga looga hadlayey

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka XDS oo guddoomiyay kulan amniga looga hadlayey

May 19, 2026
0

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Cabdullahi Xuseen Cirro ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay amniga Gobolka Baay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In