Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dawladda Mareykanka ayaa qiratey in Ciidamadoodu ay Duqeeyeen Isbitaalka Kunduz ,Afgaanistaan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Dawladda Mareykanka ayaa qiratey in Ciidamadoodu ay Duqeeyeen Isbitaalka Kunduz ,Afgaanistaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gaashaandhiga Maraykanka ayaa qiray khaladkii duqeyntii Isbitaalka Kunduz  ee Maraykanka (Pentagon) ayaa markii ugu horeysay qirtay khaladka dhankooda ee duqeyntii diyaradahooda la beegsadeen isbitaalka MSF ee magaalada Kunduz ee waqooyiga dalka Afghanistan.

Duqeyntaasi oo dhacday 3dii bishii hore ee Oktoober ayey ku dhinteen 30 qof oo ay ku jiraan 13 ka tirsan dhakhaatiirta aan xaduuda lahayn ee MSF iyo dad badan oo isbitaalkaasi jiifay oo ay ku jiraan caruur. Maraykanka ayaa warbixin uu  soo saaray ku sheegay in xogta goobtaasi ku duqeeyeen ay ka heleen Sirdoonka Afghanistaan oo xiligaasi la dagaalamayey kooxda Talibanka oo qabsatay wakhtigaasi magaalada Kunduz, isla markaana diyaaradooda ay damacsaneyd inay duqeyso xarun Talibanka ku sugnaa, warbixintan ayaa lagu sheegay in qalabka diyaarada saarnaa ee lagu cabiro jihada uu kharaabay taasna khasabtay in duuliyaha uu isagu ishiisa ku cabiro goobta uu duqeenayey halkaasi oo uu khalad ka yimid, sida uu sheegay Pentagonka. Waxaa la sheegay in shaqo joojin iyo tilaabooyin laga qaaday xubnihii militariga Maraykanka ee duqeyntaasi ku lug lahaa. Hase yeeshee hay’ada MSF oo horey u codsatay in baaritaan caalami ah lagu sameeyo duqeyntaasi ayaa ku tilmaamay hadalka kasoo baxay Pentagonka mid aysan ku qanceyn, isla markaana loo baahan yahay guddi caalami ah oo madax banaan uu baaro xasuuqa ka dhacay Isbitaalkaasi Kunduz. Guddiga ka socda Qaramada Midoobay ayaa horey u sheegay in duqeyntii Kunduz ay u muuqato inay u dhiganto danbi dagaal. Dowlada Maraykanka oo iyadu aan inta badan maxkamad soo taagin askarteeda danbiyada dagaalka ayaa diidan in guddi madax banaan uu baaro isbitaalka la duqeeyey balse sheegeen inay ay taasi ku filan tahay baaritaanka uu militarigooda sameeyey.

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
Previous Post

Safiirkii Soomaaliya ee Masar oo aas qaran loo sameeyay “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha iyo R/wasaarahii hore ee Norway oo ka wada hadlay taageerada barnaamijka hirgelinta federaalka+Sawirro

Next Post
Madaxweynaha iyo R/wasaarahii hore ee Norway oo ka wada hadlay taageerada barnaamijka hirgelinta federaalka+Sawirro

Madaxweynaha iyo R/wasaarahii hore ee Norway oo ka wada hadlay taageerada barnaamijka hirgelinta federaalka+Sawirro

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In