Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha iyo R/wasaarahii hore ee Norway oo ka wada hadlay taageerada barnaamijka hirgelinta federaalka+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha iyo R/wasaarahii hore ee Norway oo ka wada hadlay taageerada barnaamijka hirgelinta federaalka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Norway, Mr Kjell Magne Bondevik, oo haatan ah madaxa hay’adda loo yaqaano Oslo Centre for Peace and Human Rights.
Madaxweynaha iyo Mr Bondevik ayaa ka wadahadley xiriirka labada dal iyo kaalinta hay’adda Oslo Centre ay ka qaadan karto dhismaha asxaabta siyaasadeed iyo dimoqraadiyeynta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Norway ay ka mid tahay waddamada hormuudka u noqdey dib u dhiska Soomaaliya, mashaariicda ay dalka ka fuliyeenna ay yihiin kuwo muuqda.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026

Mr Bondevik ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dowladda Soomaaliya, horumarka ay ka sameeyeen dhinacyada amniga, siyaasadda iyo arrimaha bulshada, isagoo intaa raaciyay in hay’adda uu madaxda ka yahay Oslo Centre for Peace and Human Rights ay kaalin muuqata ka qaadan doonto dhismaha hay’adaha siyaasadda iyo fidinta dimoqraadiyadda ee Soomaaliya.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka, Maxamed Cusmaan Jawaari, Guddoomiye ku Xigeenka Baarlamanka, Jeylaani Nuur Iikar, iyo mas’uuliyiin kale.

h h hi kj unnamed

Previous Post

Dawladda Mareykanka ayaa qiratey in Ciidamadoodu ay Duqeeyeen Isbitaalka Kunduz ,Afgaanistaan

Next Post

R/wasaare ku xigeenka dalka oo dhagax dhigay dhismaha xaruntii wakaaladda Hindisaha

Next Post
R/wasaare ku xigeenka dalka oo dhagax dhigay dhismaha xaruntii wakaaladda Hindisaha

R/wasaare ku xigeenka dalka oo dhagax dhigay dhismaha xaruntii wakaaladda Hindisaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In