Qoysaskii ka barakacay dagaalkii Gaalkacyo ayaa dhibaato nololeed waxa ay ku heysataa deegaanadii ay u barakaceen, iyaga oo baaq nabadeed u diray dhinacyada ku dagaalamay Gaalkacyo.
Qaar ka mid ah dadkii ka barakacay dagaalada Gaalkacyo oo duleedyada magaalada u qaxay, isla markaana la hadlay Radio Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen inay iminka ku nool yihiin meelo ka baxsan magaalada oo ay ku heysato xaalado nololeed oo aad u liidata, ayna dalbanayaan in gurmad dhan waliba leh lala soo gaaro, maadaama ay hooygooda isaga carareen.
Sidoo kale qoysaska barakayaasha ayaa baaq u diray dhinacyada isku haya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kuwaasi oo ku baaqay in waxkasta lagu dhameeyo wada hadal, isla markaana Madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay u istaagto qaboojinta xiisadaha colaadeed ee Gaalkacyo ka aloosan.