Saturday, July 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha gudaha oo soo dhaweysay heshiiskii Gaalkacyo “War-saxaafadeed”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Khudbad Ka Jeediyay Xaflada Caleema Saarka Ee Cadaado Uguna Baaqay Madaxda Dalka In Ay Ka Shaqeeyaan Sii Deynta Maxamed Cabdullaahi Aadan {Tiiceey}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, December 2, 2015 – Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxa ay soo dhaweyneysaa heshiiskii taariikhiga ah ee maanta lagu gaaray magaalada Gaalkacyo, kaasoo laf-dhabar u ah xal-u-helidda colaaddii ka taagneyd magaaladaasi maalmihii lasoo dhaafay. Dowladda Federaalka ah oo kaashaneysa madaxda maamul-goboleedyada, iyo xubno ka tirsan beesha caalamka ayaa ka soo wada shaqeeyay taabbo gelinta heshiiskaas.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxa ay ugu hambalyeyneysaa hogaamiyeyaasha labada maamul ee Puntland iyo Galmudug sida xilkasnimada iyo geesinimada laheeyd oo ay u qaateen heshiiska isla markaana xil ballaaran iskaga saareen sidii bulshada ku nool magaaladda Gaalkacyo ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen.

Related posts

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

July 4, 2026
Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

July 4, 2026

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka mudane Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo ka mid ahaa masuuliyiintii arrintaas ku howlanaa maalmihii lasoo dhaafay ayaa yiri, “Heshiiskaan wuxuu muhiim u yahay soo af-jaridda colaaddii ka aloosantay magaalada Gaalkacyo iyo dib u soo celinta dadkii ku barakacay colaaddaas.  Sidoo kale Wasiir Odowaa wuxuu sheegay in uu ku reja wayn yahay in heshiiskani uu qeyb ka noqdo dadaalada loogu jiro in xal waara loo helo khilaaf kasta oo ka jiro magaalada Gaalkacyo. Wuxuu kaloo bogaadiyay biseylka siyaasadeed ee ay muu jiyeen  labada dhinac.”

Wasaaraddu waxa ay xuseysaa dowrka muhiimka ah oo ay ka qaateen  Ra’isul Wasaaraha Xukuumada  Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali, Madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, mudane Shariif Xasan Sh. Aden iyo mudane Axmed Maxamed Islaam, kuwaas oo kaalin buuxda ka qaatay sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa shacabka iyo maamullada Puntland iyo Galmudug.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxay ku boorineysaa Puntland iyo Galmudug in ay si buuxda u fuliyaan qodobada ku xusan heshiiska kana shaqeeyaan sidii nabad iyo xasilooni waarta loogu heli lahaa shacabka deggan magaaladda Gaalkacyo iyo dhamaan gobolka Mudug.

Ugu danbeyntii Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxa ay ka codsaneysaa deeq-bixiyeyaasha iyo hay’adaha gargaarka in ay gacan ka geystaan samata bixinta dhibaatadii bini’aadaminimo ee ka dhalatay colaaddii Gaalkacyo iyo sidii dib loogu so celin lahaa dadkii rayidka ahaa ee ku barakacay dagaalladaas.

Previous Post

Madaxweynaha oo tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Xildhiban Saadaq Cabdikariim

Next Post

Madaxweynaha: “Waan soo dhoweynayaa heshiiskan taariikhiga ah ee maanta lagu saxiixay Gaalkacyo”

Next Post
Madaxweynaha oo mar kale ku boorriyey xukuumadda xalinta tabashooyinkii ka dhashey dhismaha baarlamanka maamulka Jubba

Madaxweynaha: "Waan soo dhoweynayaa heshiiskan taariikhiga ah ee maanta lagu saxiixay Gaalkacyo”

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

July 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NAIROBI):-Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay,sidoo kalena lagu soo dhaweeyay garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir...

Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

July 4, 2026
0

RADIO MUDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa xalay hoygiisa ku sameeyay casho-sharaf...

Ciidanka Booliska Caasimadda oo gacanta kusoo dhigay  shaqsi ku eedaysan fal dhagar ah

Ciidanka Booliska Caasimadda oo gacanta kusoo dhigay shaqsi ku eedaysan fal dhagar ah

July 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Ciidanka Booliiska Caasimadda ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Maxamed Axmed Maxamed, kaas oo ku eedeysan inuu ku...

Dalka Canada oo lagu qabtay munaasabad lagu weynaynayo 1-da Luulyo

Dalka Canada oo lagu qabtay munaasabad lagu weynaynayo 1-da Luulyo

July 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safiirka Soomaaliya ee Canada iyo Mareykanka Danjire Daahir Xasan Cabdi , Wasiirro hore iyo dad caan ah ayaa magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In