Dowladda Shiinaha ayaa lagu wadaa inay Soomaaliya u soo dirto qubaro qiimeeya meelaha uu doonayo in Soomaaliya uu ka taageero, si dib loo soo celiyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.
Afhayeenka Madaxtooyada Qaranka Daaโuud Aweys oo lahadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Shiinaha ay diyaar u tahay in maalgeshi ay ku sameyso qaaradda Afrika, ayna ku tabarucday lacago fara badan.
โDowladda Shiinaha waxa ay balan qaaday inay dib u soo celinayso iskaashigii uu lahaa dalka, isla markaana uu soo diri doono Soomaaliya quburo indho indheyn sameyn doono, waxa ayna bixin doonaan tababaro sare loogu qaadayo dadka xirfadda yaqaan, waxaana muuqata in Soomaaliya ay u baahantahay hirgelinta mashaariic badan dhaqaale ku baxaya, Shiinaha waxa uu balan qaaday in uu arrimaha Soomaaliya ka caawin doonoโayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada.