Thursday, October 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda XFS oo maanta furay tababar lagu qaadanayo aruurinta canshuuraha barriga+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda XFS oo maanta furay tababar lagu qaadanayo aruurinta canshuuraha barriga+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda  Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Ibraahim ‘’Fargeeti’’ ayaa maanta xarunta dhexe ee ilaalinnta cansuurha tababar uga furay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, qeybta Canshuuraha Barriga iyo Laanta ilaalada Canshuuraha ee Ciidanka Police-ka Soomaaliyeed.

Munaasibadii lagu furayay tababarkaan waxaa goob jog ahaa Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, Agaasimaha Guud ee Wasaarddda Maaliyadda, Agaasimaha Waaxada Miisaaniyadda, iyo Agaasimaha Waaxda Candhuuraha Bariga, Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska, Taliyaha hogaanka ilaalada canshuuraha iyo Marti kale oo ka qeyb gashay Munaasibadda.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

Taliyaha hogaanka ilaalada canshuuraha Gen: Cabdulaahi Xasan Bariise oo ka hadlayay goobta tababarka ka furmay ayaa sheegay in ciidamda booliska gaar ahaan Laanta Canshuuraha ay diyaar u jihiin inay waajib kooda u gutaan si daacadnimo ah.

‘’Mudane Wasiir waxaan hortaada ka balan qaadayaa inaan qabano waajibaadka dadka iyo dalka naga saaran, una gudano si daacad ah lacagta la soo aruuriyana Jeeb gaar ah kuma dhacayso ee waxaa toos loogu gudbinayaa Bangiga Dhexe’’ ayuu yiri  Gen: Bariise.

Xisaabiyaha Guud ee Qaran Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji)  ayaa kula dardaarmay shaqaalaha qaadaya Canshuurta iyo Booliska ilaalada u ah inay ka fogaadaan Xaaraanta iyo Musuqmaasuqa, isagoo sidoo kale sheegay shaqada lahayo inay tahay tii shacabka loona baahanyahay in amaanada shacabka la dhowro.

Ugu dambeyntii waxaa munaasabadii tababarka ka hadlay Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya  Mud Maxamed Aadan Ibraahim oo xubnihii la lababarayay u jeediyay hadal dardaaran iyo guubaabo u ahaa shaqooyinka loo qabanayo Bulshada Soomaaliyeed.

‘’Waxaa aad iyo aad muhiim u ah tilaabo walbo oo la qaadayo in sharciga lagu saleeyo hadii kalene wixii aan sharci aheyn ay noqonyayaan inana kusii jiro nidaam la’aantii iyo fowdadii , waxaana arinkaas dhaawacayaa sumcadda Dowladda iyo tan maamulka’’ ayuu yiri Wasiir Fargeeti.

Wasiirka Maaliyadda  ayaa gabagabadii Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay si wada jir ah u bixiyaan canshuuraha barriga si Dowladdu uga maaranto kaalmada Beesha Caalamka .
617af5d9-1f6a-44ea-a11b-438b2de57c50 a8879398-6f75-4082-a8dd-6125083aee51 b897a1c7-0826-4d49-8a64-368bfb25a7c2 bda5f5b2-eb10-4c10-939d-a119d4c1478b c413f98c-67f8-4cd1-8ca6-2f6d1a4018ec cb26b517-d18e-427f-bb79-858677f43ee2

Previous Post

R/wasaaraha oo ka qeyb galay marti qaad uu u sameeyay Sheekh Maxamed “Baardheere”+Sawirro”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In