Wasaaradda qorsheynta Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan la soo saari doono warbixin ku saabsan wixii laga hirgeliyay mashruca ay Midowga Yurub ku taageerayaan Soomaaliya ee New Deal.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorsheynta Cabdullaahi Sheekh Cali โQalloocoowโ ayaa tilmaamay in la soo bandhigi doono deeqaha la bixiyay iyo meelaha lagu bixiyay.
โWaxaa la sameyn doonaa qiimeyn sanadku marka uu dhammaado, waxaa la ogaanayaa deeqihii meelaha ay galeen iyo sida loo bixiyay, gacanta ayaa lagu hayaaโ. Ayuu yiri.
Wuxuu intaa ku daray โDhawaana waxaa la soo saari doonaa warbixin ay ku cad yihiin deeqihii la helay iyo sida loo bixiyayโ
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer sheegtay in mashruucan New Deal uusan u socon sidii loogu talo galay, ayadoo Midowga Yurub ugu baaqday inay wax ka beddelaan hannaanka, Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa horay isula dejiyay hannaan lagu maamulayo deeqahaan oo looga caawinayo Soomaaliya dib-u-dhiska, dowlad-wanaagga iyo arrimo kale.